Cinwan Hosedyada
Naasnujinta waa hab ay dhallaanka(Bisha 1 – 12aad) Hooyooyinka ku quudiyan.
Cunada ay qaadanayan dhallaanka hadan lakantarolin waxay mararka qaar sabab ugu noqon karta inay laxanun sadan xanuunada kudhaca dadka waweyn.
Xanuunada waxa kamida:
- Buurnida xad dhaafka ah(Obesity)
Sida owgeed, Hadii aysan jiran caqabado Caafimaadka laxidhidha Waxa wanaagsan in dhalmada kadib dhallaanka lobilaabo nuujin sax ah ila da’da 1 mise 2 jirka.
Nafaqada Caafimaadka leh waxay Caruurta sigaar muhiim ugu tahay lixda(6) bil hore, waayo waa xiliga koriinka aad lodardargalinayo.
Cunada ay qaatan maxay tahay?
Cunooyinka lasiyo mise ay qaataan dhallaanka waxay noqonkaran sida:
1.Naas Nuujinta(Breast Feeding_Bareesti Fiidin)
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxay talo ahaan ujeediyen 6da bil hore in Caruurta sigaara lonaas nuujiyo ayado waxkale loracin, Waxa afka qalaad lagu yidhahda Ekis kulusif Baresti Fiidin (Exclusive Breast Feeding), Sababta waxan kuso xusnay bilowga maqaalka.
Caruurta inay qaatan naasnujin tayo leh waxay kuxidhan tahay siyaabo kala duwan sida aqoonta looleyahay qaabka wax lojaqsiyo/nuujiyo.
Dhalmada kadib, waxa dhallaanka asbuuyada hore lajaqsiya 8 ila 12 mar maalinti.
Caanaha Hooyada waxa lookala saara ilaa 3 nuuc:
1.1.Caanaha horaanka(Colostrum – Kolostaram)
Caanaha horaanka ah waxay hooyadu soosarta marka ay dhalmadedu so dhowdahay, Waxay soconayan 4 casho dhalmada kadib, Caanaha nuucani waxa kujira barotino tayo leh, gaar ahaan kuwa difaaca jidhka.
1.2.Caanaha Kumelgadhka(Transitional_Taransishanal)
Canaahan way kadambeyan Caanaha horaanka ah, waxa lasosaara 4 malin kadib waxay soconayan 6 casho, guud ahaan labada nuuc(Caanaha horaanka iyo kumelgadhka) waxay isku noqonayan 10 maalin. Barotinkoda wuu kahoseyo marka labarbardhiga kuwa Kolostaramka.
1.3.Caanaha Qaangadhka(Mature_Majur)
Caanaha qangadhka ah waxa ay bilowdaan 10 maalmod dhalmada kadib ilaa ilmaha naaska looga joojiyo.
2.Caanaha ladiyariyey(Formula Milk_Foor mula Milk)
Caanaha ladiyaariyey sida magacuba kamuqato waa caano ay diyariyaan shirkadaha qaabilsan sosaridda Caanaha sida Caanaha lo’da daasadeysan/Gasaceesay.
Marka ay shirkaduhu samaynayan caanahan waxay marwalba kudadalayan inay labarbardhigan sida Caanaha Naaska hooyada.
Caanaha ladiyaariyey waxa loo kala saara ilaa 3 Nuuc:
1.Caanaha Lo’da(Cow Milk)
2.Caanaha Soyda(Soy Milk)
3.Caanaaha gaarka ah(Specialized Milk)
Caanaha lo’da ladiyaariyay waa kuwa ugu badan caruurta lasiyo marka laga yimaado Naaska Hooyada sida owgeed, waxa lasiyaa hooyada aan lo’ogolayn inay caruurteda nuujiso, Sababa laxiriira caafimaadka.
Halka Caanaha soyda lasiyo caruurta aan qaadan Karin Naaska Hooyada iyo Caanaha lo’da ladiyaariyaba.
3.Nuujinta isku jirka ah(Complementary Feeding_Kombalimentari Fiidin)
Tani waxay kulansatay dhaaman naasnuujinta
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka Fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 9th/11/2020
Updated on: 08th/12/021
Pingback: Shubanka - Caruurta iyo Ilkaha | Galolmedicine
Pingback: Afogaadhada(Afogaado) | Galolmedicine