Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Afogaadhada waxay dhexda kuleedahay Iniin/abuur madow ah, Hareeraha dhexdeedu waa Caagaar, Dusheeduna waa madow xigeen.
Dadka qaar kamida Afogaadhada waxay ku tilmaaman inay tahay Khudrad/khudaar halka qaar kale dhahaan maya waa midho.
Dalka ugu horeyay lagu arko waa Maksiko(Mexico), Waxay reer galbeed ugu yeedhan magacyo kale sida:
B. Alligator bear – Eligetor biir
T. Butter Fruit – Batar furuud
Guud ahaan, Afogaadhadu waa midho Nafaqo iyo dhadhanba leh. Sanadahan dambe waxay dadka dunida kunool biloobeen inay Sharaab kadhigtan mise khudradda kubiir sadaan.
Waxay Leedahay Faa’ido kala duban, Faa’idooyinka laga helo waxa kamida:
1.Nafaqooyin kala duwan ayay kulan sata
Mirahan cajiibka ah waxa ku jira nafaqooyin aan laga helin cunada Casriyaysan baryahan dadka aad u adeegsadan.
Cabirka dhexdhexaadka Afogaadhada culeys ahaan waxa lagu yiqaasa inta udhaxeysa 45 – 50 garam,
Waxa kujira kudhobaad 20 fiitamiino iyo Macdan, Waxa kamida:
- Fiitamiin B6(Vitamin B6) 0.6 Miligaram
- Fiitamiin C(Vitamin C) 10 Miligaram
- Fiitamin E(Vitamin E) 2 Miligaram
- Botashiyam(Potassium) 485 miligarma
Butter Fruit – Batar furuud waa magac kale loogu yeedho Afogaadhada sidan hore utilmaan. Micna ahaan waxa loogu jeeda midhaha Subagga laha.
Sababta ayaa ah, In laga helo dux badan laakiin, Nasiib wanaag duxda nuucani waa kan Caafimaadka uwanaagsan. Afka qalaad waxa lagu dhaha Ansajareted.
Afogaadhada Sonkor badan ma leh laakiin, Waxa laga hela Faybaris badan. Faybarisku waa qayb kamid ah Karbohaydaretiska jidhka abood umalahan inu dheefshiido.
Sida daraadeed, Waxa laso raaciya Saxradda sidu Calolsocodka uwanaajiyo. Waxu kalo yareynaya Gaajada badan.
2.Kahor tag ayay unoqon karta Xanuuno kala duwan
Afogaadhada waxay yaren karta halista xanuuno kala duwan. Xanuunada waxa kamida:
B. Niyad-jabka(Depression – Dipreshan)
Folate waa macdan laga helo mirahan, Waxay kaalin mugleh ka qaadaneysa sare uqaadida tayada Maskaxda ayado jidhka ka saareyso maado gaar ah.
Maadada gaarka ahi waxa afka qalaad lagu yidhahda Homosistiin(Homocysteine) waayo, Maadadani waxay Cilmibaadhisyadu sheegaan inay hoos udhigto Nafaqada Maskaxda.
Folate waxu kalo hoos udhiga Kansarada qaar sida kuwa kudhaca:
- Qanjirka raga ee Barostataha(Prostate gland)
- Mindhicirka
T. Xanuunada lafaha
Afogaadhada waxa kujira Vitamin K, Waxay tayeysa abooda lafaha. Saliideda waxa lagaga hortagi kara xanuunka kalagoysyada/isgosyada lafaha kudhaca.
3.Hooyada Uurka leh
Hooyada markay uur leedahay iyo Xiliga ay Caruurta Jaqsiinayso waxa korodhayo Baahiyada ay uqabto Nafaqooyin kala duwan.
Afogaadhada waa isha(Source) ugu haboon hooyo kasta qaadan karto sababto ah waxay 27% ku kordhinaysa intay hooyada ubaahneyd xiliga Uurka.
4.Raganimada
Khudradani waxa lagu tiriya khudaarta sare loogu qaadi karo Biyaha raga. Waxa kujira Fiitamiin E – Waxu sare uqaada taqayada Shahwada raga(Sperm).
Qarniyo kahor waxay dadka qaar Afogaadho ugu yeedhi jireen Testikalis(Testicles) – Micnaheedu tahay Xiniinyaha.
5.Abooda wadnaha iyo Murqaha ayay kordhisa
Macdan(Minerals) kala duwan laga helo awgeed, Waxay tayeysa shaqada Wadnaha, Marinada dhiiga iyo Murqaha.
Hadii ay jiraan Su’al laxidhiidha Maqaalka Fadlan Hawaaban inaad noogu soogudbiso qaybta Su’alaha(Ask Question)
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 02th/12/021
Pingback: Shahwada Cuntooyinka Badiya | Galolmedicine