Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Muuska waa miro lagu bartay dhadhan macaan iyo caafimaad, waxu kamid yahay qudrada(qudaarta) ugu caansan aduunka. Macaga muus ama moos hadba sidaad utaqaano waxaa la arkaa in ay wadaagaan magaca oo kaliya laakin waxa ay kukala dubnaankaraan  kalarka,cabirka iyo muuqaalka.

Waxaa jira nuucyo kala duwan oo muuska kamid ah sida nuucyada ay soomaalidu qaar kamid ah ay utaqaano:

B. Moos Buyow halka afka qalaad loga yaqaano(Cavendish Bananas)

T. Moos Sonkori(Manzano Bananas)

J. Moos Bukeeni(Plantain Bananas)

Laakin manta hadii uu Illaaheey S.W.T ogolaado waxan kaga hadli doonaa 8 faa’ido uu leeyahay midka ugu caansan dhamaan nuucyada aan sare kusheegnay oo ah kan 1aad.

1. Muuska waxa uu kakooban yahay nafaqooyin badan

Nafaqooyinka uu kakooban yahay waxay isugu kiran Fiitamiino,Miniralis,Karbohaydaretis,Barotiino iyo Baruur kuwaasoo muuhiim u ah caafimaadka

 Fitaminis(Vitamins)

1. Fitamiin C (Vitamin C) 11%

2. Fitamiin B6 (Vitamin B6) 33%

Miniraalis (Minerals)

1. Botaasiyam (Potassium) 9%

2. Magnisiyam (Magnesium) 8%

3 .kobar (Copper) 10%

4 .Manjanes ( Manganase)14%

Karbohaydareetis(Carbohydrates)

1. Faybaris(Fibers) 3.1 Garamis(grams)

2. Net karbis(Net carbs) 24 Garamis(grams)

Sido kale waxaa laga helaa Proteins 1.3 Garamis(grams),Dufinta(fats) 0.4 Garamis(grams)

2. Waxa uu wanaagiyaa dheefshiidka

Muuska dhexdhexaadka ah waxaa laga heela ilaa 3 garam oo faybaris ah(Fibers). Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretis,Jidhkeena abood umalahan in uu burburiyo 100% sidaa daraateed, muuska waxaa laga helaa ilaa 2 nuuc faybaris ah waxa ayna kala yihin Bektin(Pectin) iyo Resistanti Istaarj(Resistanct starch).

Mida hore oo ah Bectin muuska waa aykayaraataa hadba sida uu bisayl(bisil) uyahay halka Resistanti Istaarjga waxa ayku badantahay muuska mid aan bisayl ahayn marka, qofka cuna lama dheefshiido waxaana lagu soodaraa qaybta qashinka oo mar dambe saxarada aya lasoo racinayaa.

3. Muuska waxa uu kaacaabiyaa in aadan dhaqsa ugaajoon(bahan)

Istaarjiyada kala ah Bektin iyo Resistanti istaarj waxa ay leeyahin saameyn qofka aykaga dhigaan in uudaremo mid dhergan waayo waxa ay hoos udhigaan rabitaanka cunada(Appetite).

4. Waxa uu tayeeyaa caafimaadka kalyaha(Kidney health)

Botaasiyamta jidhka waxa ay ka caabisaa in ay yareyso caadiska dhiiga, waxay kala sare uqaada shaqada kalyaha.

Baaritaano lasameeyay ayaa cadaynaysa in dadka cuna muuska 2 ilaa 3 mar wiigii ama asbuucii 33% ay hoos udhigaan cudurada kudhaca kalyaha, halka qaarkalana ay gaarsiinayaan 50% marka lala barbardhigo dadka aan cunin.

5. Muuska waxa uu faa’ido uleeyahay jimicsiga(Exercise)

Muuska waxaa laga helaa miniraliska(Minerals) fiican sidan horay usheegnay sido kale waxa uu yareeyaa murqo xanuunka laxidhiidha jimicsiga, waxu ka dhigaa qof aan daalnayn.

Waxyaaba muuska ay iskaga midkayihiin wax tarka caafimaad ee Shaaha Cagaaran :

1. In uu baruurta yareeyo(fats)

2. Waxaa uu yareeyaa qatarka ama halista aad ugu jirto in uu kugu dhaco cudurka macaanka ama sonkorowga(Diabetes) iyo cudurada keena wadna xanuun

3. Baruurta jidhka waa yareeyaa waana hagaajiyaa muuqaalka uu leeyanahay jidhkeena

Hadii ayjiran su’aal laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’alaha (Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 28th/07/019

Updated on: 02/05/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply