Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Cunada aad qaadanayso nuuceda waxa ay saameyn kuyeelanayan habku jidhku ugu falcelinayo
- Gaajada
- Dheefshiidka
- Shaqada hormonada
Hadba siday nooc yada cunada u kala duwanan karaan ayu habka dheefshiidka u kala gadisanan kara.
5 kamida Cunada ay Saynis yahanada soojeediyan in laqaato xiliga Culeyska jidhka hoos loodhigayo:
1.Baradhada la karkariyey
Waxa ku jira nafaqoyin kala duwan sida Faybaris. Faybariska waa qayb kamida karbohaydaretis jidhkena abood umalahan inu dheefshido sida owgeed, Waxa laso raaciya saxarada sidu dheefshiidka uwanaajiyo.
Baradhada waxay kalo qofka kadhigta mid aanu dhaqsa u gaajoon, Waxay yareysa Abitayidka(rabitaanka cunada) joogtada ah.
Anti-oksidantis(Anti-oxidants) aya laga hela: Waa maadooyin jidhka aadanaha ku leh saameyn Togan(Positive) oo waxay yareyan xanuuno kala duwan.
2.Beeda(Ukunta)
Waa cuno Caan ah, sido kale aan dhib badneyn in la sameysto. Waxay dadka badidooda adeegsadan xiliga quraacda.
Waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah in ukunta laga helo duxda badan oo dadka qaar kamida ay ku kordhin karto Kolistarolka(Cholesterol).
Laakiin hada waxa latilmaama inay kamid tahay ilaha(Source) ugu fiican hoos loogu dhigo Culeyska jidhka. Waayo waxay yareysa abitayidka(Appetite).
3.Afogaadho(Avocadoes)
Afogaadhada waa hoyga Fiitamiino kala duwan sida Fiitamin C, E, K, iyo B6. Waxa kalo ku jira Faybaris iyo dux. Waxay isudheelitirta Culeyska jidhka aadanaha.
Cilmi baadhisyada aya xaqiijinaya dadka afogaadhada qaata sonkor la’aan ay yihiin kuwa Caafimaadkoda sareya marka labarbardhigo dadka kale Afogaadhada sonkorta kubiiriya(Kudarsada).
4.Khudrada Caleenta(Leaf green)
Khudaarta Caleenta ah sida Salaarka, Kabsar Caleen, Garbegka(Garbage) iyo kuwa kale waxay ka qayb qaataan qaabeynta hoos udhigida Culeyska. Waxay leeyihin kalori aan badneyn.
Cunada in lagu biiriyo khudradda nuucana waxay ku kordhinaysa Mugga Cunada ayadon wax kalori ah ku koradhin.
5.Kalluun
Guud ahaan, Cunada badda laga helo marwalbo waa cunto ay yartahay in ay qofka ku yeeshan Saameyn taban(Negetive) waa rabbi weyne Mahadiisa.
Kallunka waa cuno hodan ku ah ayodine(Iodine). Ayodinta waa maado macdan ah waxay qayb muhiim ah ka tahay dardar galinta Dheefshiidka sida daraaded waxay hagaajisa Abitayidka.
Hadii ay jiraan su’al laxidhidha Maqaalka fadlan noogu soogudbi qaybta Su’alaha.
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On:23th/11/021