Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Xiliga la aftirayo iskuday inaad isticmaasho biyo kugu filan, Cunada aan kubadnayn duxda iyo cunooyinka laga helo sonkorta dabiiciga ah, silo fudeydiyo jidhka inu helo tamar kufilan. Waxad iska ilaalisa cunadda iyo Cabitaanada ay sonkorta kubadan tahay.
Qaado 6 talo muhiimka ah xiliga Iftaarka:
1.Timir kubilow
Timirtu waxay kufiican tahay in lagu aftiro, waayo waxa laga helaya nafaqo iyo sonkor fiican, waxa kalo laga hela Botashiyam(Potassium), Kobar(copper),manganis(Manganese) iyo faybaris(fibers).
Faybariska waxu jidhka kasaacida dheefshiidka islamaarkaana yareeya calool istaaga(Constipation).
Salman ibnu camir Ilaaheey haka rali noqde aya laga sowariyey Rasulkeena N.N.K.H waxu yidhi “Hadii qof idinka mid ah aftirayo haku bilobo timir(nuuca qalaylka ah) hadii usan helin Karin na haku bilobo biyo” at-tirmidhi,
Waxa la ogaaday in timirtu tahay cunada kaliya kuhaboon in lagu aftiro, waayo waxay dawo utahay xanuuno badan oo kugu dhici lahaa, Mar dhow ayay bilobeen inay dadka kula taliyaan inay Timir kubiloban laakin, Nabi Muhamed N.N.K.H gormu inoo sheegay subxanalah.
2.Biyo Cab Cunadda kahor
Biyo kugu filan inad cabto waxay kasaacidi karan inad hesho fuuq, uguna badbaadi karto fuuqbax taana waxay dabooli doonta baahida biyo uu jidhkagu uqabo, Waxa wanaagsan inad qaadato 1 ila 2 koob cunada kahor.
3.Maraq, Shurba mise Mushaari
Asiyada koonfureed waxa dhaqan iyo caado u ah inay ku aftiran maraqa, garhaan midka laga sameeyay sida biinista(waa nuuc kamida digirta) iyo wax yaabo kale laakin, anaga soomalidayna waxaa caado iyo dhaqan u ah inay isticmaalaan Mushaari (waxay udhowdahay boorash).
Mushaarida waxa kujira nafaqo kabadan kan boorashka, waxa loosameya hab u gaar ah. Cunada nuucani waxay qofka saacida inuu helo biyo iyo nafaqo badan islamarkaana waxay dardargalisa habdhiska dheefshiidka iyo Calool-socodka.
4.Sidegan Cunada uqaado
Habdhiska dheefshidka wakhti ayey kuqadanaysa inu dib ubilobo howshisa, waayo saacado ayuu howl gab ahaa sidaa daraded, si tartiib ah cunada uqaado, hadii ad cunada boobsiiso waxa dhici kara dhibaato in ay soo gaadho habdhiska dheefshiidka, waayo hadii cunada si deg deg ah loqato waxay qasbaysa caloosha inay dhecaano badan oo kale duwan hal mar sodayso mise soosaarto.
5.Iska ilaali Cunada la shiilay mise saliida kubadantahay
Cunada lashiilay in ladheefshido waqti ayay qadaneysa, waxay kalo qofka kayeesha mid dhergan ayada oon wax nafaqa ah laga helayn. Hadii ay cunada nuucani tahay mid ad jaceshahay waxan kula talin lahayn inad cashada dib uga dhigato.
6.Ha’isticmaalin Cabitaanada daasadaysan(gasaca kujira)
Inta badan Cabitaanada daasadaysan waxa kubadan milixda, taana waxay kugu kordhinaysaa haraadka ama oonka, hadii ad isticmaalayso cunada lamidka ah(daasadaysan) dabcan, ayaguna waxa wanaagsan inaad iska yara diiriso isticmaalka kahor.
RAMADAAN MUBAARAK,
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbin qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On:4th/05/2020