Talooyin – In lasahuurto waxay leedahay fa’idoyin kala duwan sida in laga helo tamar dheerad ah lagu sii wadi karo soonka, waxa yaraada daalka,gaajada iyo caqabado kale.

Xiliga sahuurta waxaa wanaagsan inlaqaato:

1.Biyo kugu filan

2.Cunooyinka laga helo dux mise baruur aan badnayn

3.Cunooyinka laga helo Faybariska (Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretiska (Carbohydrates) waxu socodsiya caloosha) waxa kamida timirta(ugu yaran ilaa 5 midh)

4.Cunooyinka laga helo Barotiniska sida beeda(unkunta),kaluunka iyo digaagada

F.G: Ha’isku badin Barotiniska, waayo waxay kugu siyaadin karaan haraadka

5.Khudaarta

Isticmaal khudaarta sida liinta, babaayga, xabxabka iyo muuska waxay kasacidi karaan inuu jidhkaagu noqdo mid firfircoon.

Anas binu maalik Ilaahey S.W.T haka raali noqde ayaa laga sowariyey in Nabi Muhamed N.N.K.H uu yidhi” Sahuurta, in lasahuurta waxa kusugnatey barako” soo wariyey Al-bukhaari ,1923 Muslim,1095.

Caadooyinka aan caafimaadka waafaqsanayn xiliga Aftirka iyo Sahuurta

Waxaa kamida sida:

1.qofka in uu qaato cuna badan mise cuno culus kadibna raaciyo(cabo) biyo ay sonkorta kubadantahay

2.qofka in uu cabo biyo leh baraf sababto ah waxay dhibaato ukeeni karaan caloosha

3.qofka in uu isticmaal cunado ay kubadan tahay dux(baruurta) mise cunada lashiilay

4.Qofka inu cabo sigaar xiliga aftirka ama sahuurta, inkasto muqaadaraadka odhan tahay wax ay diinteenu subani ogolayn, hadana waxay ugu daran tahay xiliyadan in uu qofku caadaysto.

RAMADAAN MUBAARAK,

Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On:11th/05/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply