Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Qaniinyada Shillinta – Shillinta waa cayayaan nuuga/jaqa dhiiga, waxay leedahay 8 lug, dherer ahaan waxa lagu qiyaasa 3 ila 5 millimeter. Waxa afka qalaad lagu yidhahda Tikis(Ticks) halka ereyga cilmiyaysan lagu dhaho Iksodida(Ixodida).

Nuucyada kala duwan ay shillintu yeelaneyso waxay kukala dubnan karan midabka sida inay noqon karan bunni(midab kafe leh), Casaan iyo madow.

Waxay shillintu kamid tahay Cayayaanada laysku dhaho Araknidis(Arachnids). Araknidiska waa cayayaanada leh isgoysyada(leg joints) lugaha laakiin, wax lafdhabar ah lahayn, waxa kamida Caarada iyo dabaqallooca/dibqallooca.

T.Halke shillintu qaniinta?

Shillinta waxay aad ujaceshahay meelaha jidhka ugu jilicsan sida kilkisha, Tinta, Inta udhaxeysa Caloosha iyo lugta, Barta uwanaagsan markay gaadho waxay bilowda inay qaniinto maqaarka, ay sidaa dhiiga kujaqdo.

Waxay caado uleedahay qaniinyada kadib inay kudhagto maqaarka sida owgeed, waxad arki karta halked maqaarka kaga dhagan tahay.

F.G: Hadii ay shillinta hesho dhiig kufilan way balaadhata, waxu midabkedu isu badela sida dooga(Cagaar) mise buluug kadib waxay kaso dhacda halka ay marka hore kudhagnayd. Mudada ay kubaladhankarto waxa lagu qiyaasa ilaa 10 maalin.

J.Maxan ku aqoonsada qaniinyada shillinta?

Shillinta intabadani wax dhib ah qofka umakeento laakiin, hadii qofka uu yahay midku leh xasaasiyad waxay kukeenta sida:

1.Firiiric(Finan)

2.Barar mise xanuun gaar ahaan hareeraha qaniinyada

3.Neef kudhagid(Neef-qabasho)

4.Nabro yaryar biyo kujira

Qaar kamida Shillinta waxa macquul ah inay yihiin kuwa xanuun sidayaal ah, sida daraaded waxa dhici kara inay xanuunka kuqaadsiyaan qaniinyada kadib. Xanuunada waxay yeelaan karan calaamado badan, waxa kamida:

  • Madax xanuun
  • Firiiric(jidhka odhan)
  • Qarqaryo iyo Qandho
  • Murqo xanuun
  • Daal

X.Side lodaryela qaniinyada shillinta?

Hadii aad jidhkaga ku aragto shillin waxa wanaagsan inaad iska saarto adigo adeegsanaayo qalabka loogu talagalay, Qalabka kadaawo sawirka hoos, talaabooyinka la’iskaga saaro waxa kamida:

Jaantuska forcebiska laga saaro shillinta.

1.In la’isticmaalo qalabka shilinta la’iskaga saaro laguna qabto

2.In sare lojiido shilinta ayado taxadir lasameynayo

3.In la’iska ilaaliyo in shilinta dhinac mise maroojin lagu sameeyo

4.In lahubiyo halka ay shilinta qaniintay hadii ayjiran wax haraa ah

5.In lagu nadiifiyo saabun ayado la’adeegsanayo biyo diirimaad leh, sidokale lagu nadiifiyo Jeermis dile hadii laheli karo

Kh.Gorman dhakhtar adi kara?

Waxa wanaagsan inaad laxidhiidho dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow:

1.Hadii ay dhib kugu noqoto inaad sidhamaystiran shilinta uso saarto

2.Hadii aad hareeraha qaniinyada ku aragto firiiric waweyn

3.Hadii aad isku aragto Qandho, Qarqaryo, Daal, Murqo iyo isgoys xanuun

4.Hadii infakshan lagu arko dhanka mise hareeraha qaniinyada

D.Side logu hortagi kara?

Shillinta waxa logu hortagi kara:

1.In laga fogaado meelaha ay kubadan tahay sida owska, geedaha

2.In dharka lagu dhaqo kiimikoyinka lagu hortago sida bermesirin 0.5% (Permethrin)

3. In laqubeysto laba sac gudahooda kadib

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 25th/05/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply