Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Caarada waxa lagu xisaabiya xayawanada lafdhabar la’anta ah(Invertebrate Animals), waxay kamid tahay kooxda xayawaan lagu magacaabo Araknid (Arachnid – Xayawanada sided lugad layda ah, waxa kamida Shillinta iyo Dibqallooc/Dabaqallooca ).

Kudhowad  waxa latilmama inay dunido dhan kajiran 40,000 nuuc caaro ah.

Jidhka caarada waxa looqaybiya 2qayb oo kala ah Qayb hore iyo Qayb dambe, Madaxa iyo Xabadka caarada waxay xigan qaybta hore halka Caloosha ay tahay qaybta dambe, Qaybtani waa qaybta aykudhagan yihin 8da lugo ay ledahay Caarada.

Caarada (Balak Widow)

Caaradu waxay ugaadhsata sida Cayayanada, Dixiriga iyo caaro kale, waxay leedahay sun laakiin, waxa aad uyar inay sunteda wax yelo ugaysato qof bini’adan ah, hadaba waxad ugaata inay jiran nuucyo kamida caarada ay suntoda halis tahay sida caarada lagu magacaabo Balak Widow (Black widow spider).

T.Maxay tahay Balak Widow?

Caarada Balak widow waxay leedahy midab madow dhaldhalaalaya, Caloosha dhanka hoos waxay kuledahay midab Casaan/guduudan. Waxa dhici kara midabka casaanka ah inu kaso muuqdo dhabarka caarada.

Dalka somaliya lagama diiwan galin xog laxidhidha caaradan laakiin, waxa la’ogyahay inay kunoshahay qarada Africa sida koonfur Afrika.

Tariikhyahanada siday qorayan, waxay Caaradani caado uleedahay gaar ahaan nuuca dheddiga (Female Black widow spider) inay disho, cuno kadhigato nuuca labka ah kadib marka uu kulan dhexmaro(Mating).

Sida owgeed, Balak widow(Black widow) waxa loogu jeeda Carmalada madoban.

Waxay kalo Caaradani dabci/caado uleedahay inay kafogaato meelaha lagu badan yahay siday isaga soocdo qatarta, waxay san caado ulahayn inay si ulakac ah qof uso donato deedna ay qaniinto.

waxay kaliya dadka qaniinta markay dareento halis ugu timaada dibadda sida hadii latuujiyo/lacadaadiyo mise silamafilan ah lotabto.

Meelaha ay isku qariso waxa kamida:

1.Kabaha gaar ahaan kuwa aan la’isticmaalin mudo fog mise meelaha madooban/Mugdiga

2.Armajada

3.Dhagaxyada hoostoda I.W.L.M.A

j.Maxan ku aqoonsada qaniinyadeda?

Qaniinyada hore qofka waxu daremaya in lagu muday sida musbaar, waxa macquul ah inaad malaysan kari waydo waxa kuqaniinay ilaa aadka aragto caarada. Calaamadaha qofka lagu arko waxa kamida:

1.Barar iyo casaan gaar ahaan xareeraha qaniinyada

2.Xanuun aan kukobnayn dhanka qaniinyada

3.Calool xanuun daran

4.Xabad/laab xanuun

5.Murqo xanuun

6.dhidid

7.Qandho

FG: Calaamada qatarta/halista ah waxay somuqdan 15 daqiiqo kadib

Waxa kalo lagu arki kara:

1.Neef kudhagid

2.Lalabo iyo matag

3.Dhidid badan

4.Indho barar

5.Tabar dari

Hadii aad ugu shakiso caruurtada mise qof kale fadlan laxidhidh dhakhtarkaga mise dhaqtarka kugu dhow.

X.Gargaarka degdega ah loosamaynayo maxuu yahay?

waxaa muhiim ah qofka qaniinyada ladhiban, in loo dedejiyo isbitaalka kugu dhow waayo waa xaalad degdeg ah(Emergency situation) laakiin, waxa jira talaboyin loobahan yahay in loo qabto dhibanaha ay kamid tahay sida:

1.In lalaxidhiidho goob caafimaad.

2.In xaalada bukaanka ladajiso, lagana yareeyo dhaqdhaqaaqa waayo dhaqdhaqaqa badan waxu fudeydinaya inay sunta kufafto/fido jidhka intisa kale.

3.Hadii bukanku xidhanyahay dharkudhegan mise wax yabo kale caburinayo kasaar, sababto ah eeriyada kuharaysan halka ay caaradu qanintay waxay ubadan tahay in ay bararto.

4.bukaanku ha u ogolan in uu lugtisa kusocdo, kuqaad gaadhi mise waxyabo kale aan ahayn socod.

5.Hadii aad aboodo caarada soosawir, si loo ogaado nuuca ay tahay, waqti ha’isaga lumin inaad ugaadhsato mise disho caarada hadii ay arintaasu dhalinayso in bukaanka ladayaco.

Kh.Sunteda malodhinta?

Dadka intoda badan sunta caaradan ay leedahay uma dhintan laakiin, waxay qatar galinkarta nolosha:

1.Dadka da’da ah

2.Caruurta

3.Dadka difaaca jidhkoda hooseya

F.G: Hooyada uurka leh qaniinyada waxay kukeeni karta foolasho, waayo waxay isu-ururisa murqaha ilmo-galeenka

D.Side loga hortagi kara?

Waxa loga hortagi kara:

Caarada (Balak Widow)

1.In sijoogta ah loonadifiyo guriga

2.In sariirta masaafo aan badnayn laga fogeyo darbiga

3.In isticmaalka kahor laboodhjafo alaabada sida kabaha, Armajada iyo Sanduqyada

Hadii ay jiraan su’al laxidhidha casharka fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question)

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On 10th/02/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply