Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Fayraska Corona – Coronaviruses waa faamil baladhan kana mid ah fayrasyada sida Midal iist Risbayratori Sindarom Koronafayras(MERS-CoV= Middle East Respiratory Syndrome Coronavirus) iyo Safiir Akuyud Risbayratori Sindarom Koronafayras(SARS-Cov=Severe Acute Respiratory Syndrome Coronavirus), Waxay keenaan xanuuno marka hore kubilowda qaabka Hargabka kadib isubadela xanuun daran.
Koronafayras Disiis 2019(COVID-19=Coronavirus Disease 2019) waa fayras cusub kana kamid ah faamilka aan sare kuso xusnay, Fayraskan ma’ahan mid horey qof bini’adan ah lagu arkay.
Fayrasyada Corona waa zoonotic, Micna ahaan loogu jeedo in xanuunkan laga qaado xayawaanka, waayo baaritaano lasameeyay ayaa cadeynaya in fayraska SARS-COV uu bini’adanka kaqaaday xayawaanka Civet Cat halka MERS-CoV laga qaaday Geela. Sido kale waxa latilmaama inay jiran fayrasyo kale oo corona ah aan wali la aqoonsan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaliya Fowsiya Abuukar Nuur Maanta oo ay bishu tahay 16/3/2020 warbaahinta lahadashay ayaa shaacisay in qofkii ugu horeeyay ee qaba Caabuqa Coronavirus ay kuhaayan Magaala madaxda dalkeena Somaliya-Mugadishu.
Waxay Wasiiradda sidokale sheegtay in muwaadinin Somaaliyeed kayimid dalka dibaddisa ay maalmahann kuhayan goob karaantiil ah laguna sameeyay baritaano laga helay Caabuqa Coronavirus.
Maxan ku aqoonsada?
Calaaamadaha lagu aqoonsado COVID-19 waxa kamida:
1.Qandho
2.Qufac
3.Cuno Xanuun
4.Naqas/hawo kudhagid(Qofka waxa dhibkunoqonaysa hawa qaadashada)
Fadlan hadii aad xidhiidh dhow ah lasamaysay qof qaba COVID-19, Waxan kulatalinlahayn mise waajib kugu ah inaad isku karaantisho(Self Quarantine) gurigaaga mudo 14 casho ah.
Side ayuu kufidi kara?
Khubarada waxay tilmaamaan in xanuunkan laga qaaday nuuc kamida xayawaanada kadibna usogudbay bini’adanka sida owgeed, qof qofkale waa ugudbin kara waxa kamida:
1.Qufaca
2.Hindhisashada
3.Gacmaha lagu sooqaaday fayraska
Maxa ila gudboon?
1.Inaad kafogaato meelaha dadka ay kubadan yihiin
2.Marka aad qufaceeso isticmaal tish/tissues, mise kudabol xusulka/suxul
3.Cunada kahor, suuliga kadib, Kudhaq gacmahaaga saabuun ugu yaraan 20 ilbidhiqsi
4.Gacmahaaga aan dhaqnayn ka ilaali inaad kutaabato indhahaaga, Sankaaga iyo Afkaaga
5.Hadii aad heli karto agabyada yaala gurigaaga u isticmaal jeermis dile
Aynu ilaaheey ulaabano, barino inuu dambigeena dhaafo, Guud ahaan dunidana kadulqaado xanuunkan, gaar ahaan dalal muslimiinta ah.
[ratings]
Hadii ay jiran su’alo laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Galolmedicine,
On:16th/03/2020