Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Isnadaamiska waa xaalad qofka uu wajahaayo xajiin(Cuncunid), waxa maqaarka laga dareemaya xajiin daran.
Xaaladani waxa keena noolaha Barasayidka (Parasite) nuuciisa lagu magacaabo Sarkobtis iskebi (Sarcoptes Scabie). Afka qalaad waxa isnadaamiska lagu yidhahda Iskebis(Scabies) mise Sefan yeer ij(Seven year ich).
Isnadaamiska waxu kudhici kara qof kasta iyo da’kasta, kuma xidhna deganka iyo dhaqaalaha qofka heesto.
Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha lagu aqoonsada isnadaamiska waxa kamida:
1.Cuncun(waa calaamada ugu caansan)
2.Firiiric mise finan yar yar biyo kujira, meelaha lagu arki karo waxay kuxidhan tahay da’da:
Dadka waaweyn:
- Faraha labadhexdoda
- Curcurka(Wrist)
- Suxulka/xusulka
- Kilkisha
- Jilbaha
- Calaacalaha cagta
- Hareeraha naaska
- Barida(Buttock)
Caruurta:
- Madaxa
- Calaacalaha gacanta
- Calaacalaha lugta
Hadii horey kugu dhacay isnadaamis waxay calaamadaha kuso muqdan maalmo gudahod laakiin, hadii ay tahay marka kugu horeysa waxay calaamaduhu qaadan karan lix(6) asbuuc.
Side ayu kufidi/faafi kara?
Waxu kufidi/faafi kara mudo kooban, waxa la’isugu gudbin kara:
1.Inaad maqaarka kutabato maqaarkale oo qaba isnadaamis.
2.Inaad qof qaba isnadaamiska lawadaagto waxyaabaha gaarka ah sida Dharka iyo Sariirta.
3.Hab-siinta
4.Galmada
Gorman dhakhtar aadi kara?
Waxad ubaahan tahay inaad dhakhtarkaga lakulanto hadii aad isku aragto calaamadaha isnadaamiska, waxa jira xanuuno kala duwan oo keeni kara cuncun.
Sido owgeed, waxu dhakhtarka kugu saacidi kara inuu kusheego waxa cuncunka kugu sababay iyo dawoyinka kugu haboona.
Side loga hortaga?
Sida ugu wanaagsan loogu hortagi karo isnadaamiska waa:
1.Inaad meel isugu keento dharka faamaliga oo dhan, kadib aad kudhaqdo biyo leh kul iyo saabuun.
2.Inaad alaabada aan ladhaqi karin isugu keento meel kabaxsan guriga kadib aad kuhayso mudo( 3 mise 4 asbuuc).
Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On:08th/06/2020