Cinwan Hosedyada

Guudmar/Dulmar

Dhiigkar waa xaalad dhumanka/marinada dhiiga yelanayan Cadaadis joogta ah. Dhiiga adanaha waxa bamka gareeya wadnaha.

Deedna waxa lagu jiheeya jidhka qaybihiisa kaladuwan gaar ahaan qaybaha leh marinada dhiiga.

Dhiigkarku waa xaalad Caafimaad halis ah hadii Bukaanka uusan helin daryeelka loo bahna,.

Waxu kordhin kara fursasaha sida inay waxyelo soogadho:

1.Wadnaha

2.Kelyaha

3.Xanuuno kale

Dhiig karka iyo Wadnaha

Sanado badan ayu qofku yeelan kara dhiigkar ayadon wax Calaamado ah lagu arkin. Hadii qofka usan lahayn Calaamadaha dhiigkarka taa kama dhigna inaysan waxyeelo ugaysanyn xanuunkan.

Waxa wanaagsan qofku hadu dhiigkar leeyahay inu kuxidhnado dhakhtar sidhow ula socda.

Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxu dhiigkarku sanada 2015ka kadiiwan galiyay in bukaanada ladhiban xanuunkan ay tira ahan gadhayan 1.13 bilyan(Billion) qof aduunka odhan.

Waxa sidokale latilmama in 4 qofo rag ah 1 kamida aya qaba xanuunkan halka 5 qofo dumar/haweney ah 1 kamida ay xanuunkani qabto.

Maxan ku aqoonsada?

Jaantus laxidhidha Cadaadiska dhiiga laqadayo.

Bukaanada qaba dhiigkarka intoda badan wax Calaamado ah laguma arko, Xita mararka qaarkood hadii Cadaadiska dhiiga qofka sidaran sare ugu kaco. Calaamadaha lagu arki karo waxa kamida:

1.Madax xanuun

2.Naqas/neef kudhagid

3.San-goror(Gororka)

Calaamadan ma’ahan kuwa gaar unoqanaya kaliya dhiigkarka laakiin, waxa qofka lagu arki kara marku dhiigkarku marayo heer sare (Severe high blood pressure).

FG: Dhiigkarka marku heerkani marayo waxu qatar galin kara nolosha qofka.

Maxa keeni kara?

Ayado lagu saleynayo waxyaabaha keena dhiigkarka, waxa jira 2 nuuc oo dhiigkara waxay kala yihiin:

1.Baraymari Haybartenshan (Primary hypertension)

Primary Hypertension oo micna ahaan loogu jeedo dhiigkarka koobaad, waa nuuca ugu badan kudhaca dadka.

Waxu sojiitama mudo fog. Aqoon buuxda lagama haysto waxa sidhaba ukeeni kara.

2.Sikandari Haybartenshan(Secondary hypertension)

Nuucani waa nuuca labaad dhiigkarka, waxu qofka ugu somuqda mudo koban, Dawoyinka qaar iyo xaalado kala duwan aya qofka ukeena kara dhiigkarkan sida:

2.1. Dadka qaba Xanuunada naqaska xidha

2.2. Dadka leh dhibatoyin laxidhidha kelyaha

2.3. Dadka qaba kansarka

2.4. Caruurta kudhasha xanuunada kudhaca Marinka dhiiga

2.5. Dadka qaata dawoyinka xakameya mise joojiya dhalmada iyo dawoyin kale

2.6. Dawoyinka  sharci darada ah sida Kokenta(Cocaine)

Yaa unuglan kara?

Halista iyo Qatarta

Xanuunkani waxa unuglan kara:

1.Dadka da’da ah (>65)

2.Dadka qof kamida qoyskoda qaba dhiigkarka

3.Dadka buuran mise miisan/culeyskoda sareya

4.Dadka ay kuyartahay jimicsiga/exerciseka

5.Dadka sigaarka Caba mise waxyabaha kale sida Taabuga(Tobacco)

6.Dadka walwalka,Walbahaar, Iskubuuq mise islahadalka badan(Stress)

7. Dadka isticmaala mukhadaraadka/Mandoriyaha sida Qamriga iyo Calaqa

8.Dadka jogteya cunada milixda aykubadan tahay

F.G: Xanuunkani waxa inbadan unugul dadka waweyn laakiin, taa micnaheedu ma’aha inusan Caruurta kudhici Karin.

Haa Caruurta waa uu kudhici kara gaar ahaan, kuwa leh xanuunada laxidhidha wadnaha iyo kelyaha.

Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Hadii Bukaanka lasiin waayo mise uusan helin daryeelka iyo dawoyinka loogu bahna waxa dhici kara:

1.Wadno xanuun

2.Faaliga

3.iyo dhibaatoyinkalo badan

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question)

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 24th/08/2020

Updated on: 21th/12/2021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has 2 Comments

Leave a Reply