Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Raabiyadu waa xanuun dhaliya fayras(Virus) kasoo lagu magacaabo reybis(Rabies) waana sababta kadambaysa in magacan loogu yeedho.
xanuunkan waxa uu waxyeelo ugaysanaya maskaxda bini’aadanka iyo unugyada dareemaha(Brain and Spinal Cord) waana xanuun dilaa ah.
Xanuunkan ma’aha mid cusub waxuu kamid yahay xanuunada soo jireenka ah, qarniga 15aad dhakhtar kasoo jeeda dalka Talyaanida laguna magacaabo Girolamo Fracastoro ayaa ogaaday.
Xanuunkan waxuu kumagaacay dhaawac aan dawolahayn(Incurable wound) Halka 1885 ka Louis Pastiur oo ahaa dhakhtar faransiis ah daah qaaday Talaal la’isaga difaaco raabiyada.
Sidee ayuu ugudbaa xanuunkan?
99% xanuunkan bini’aadanka waxaa usoo gudbiya ama uukaqaadaa xayawaanada sida:
1. Eyga
2. Bisada
3. Dawacada
4. Fiidmeertada(Kiwali)
5. Bakaylaha
Ayaga oo isticmaalaya xagitaan ama qaniinyo xoogleh, inkastoo dhamaan xayawaadan aan sare kusoo xusnay aykeenaan xanuunkan hadana waxaa mudnaanshiyaha lookalasiyaa siday ukala horeeyaan tusaale ahaan Eyga Waa kan ugu badan bini’aadanka ugudbiya.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxuu xanuunkan kadiiwaangaliyay wadamo tiradooda sare ay udhaafayso 150 sanadkasta 59 kun qafood ay udhintaan xanuunkan ayadoo kiisaaska 95% lagu arko qaarada Africa iyo Asia.
Maxay tahay Calaamadaha lagu arko?
Calaamadaha hore ee xanuunkan uu leeyahay waa sida Hargabka oo kale waxay soconayaan maalmo kooban, kadib waxa lagu arkaa sida:
1. Qandho
2. Madax xanuun
3. Lallabo
4. Matag
5. Kacsanaan
6. Walwal
7. Dawaqaad(Jahwareer)
8. Candhuufta oo iska da’da
9. Islahadal
10. Dhawaaqa biyaha inuu dhibsado
11 Hurdo la’aan
12 Baralaysis
NB FADLAN LAXIDHIIDH DHAKHTARKAAGA MISE DHAKHTARKA KUGU DHOW HADII AAD CAALAMADAHAN QOF UGU SHIKASO.
Yaa unugul xanuunkan?
Waxaa unuglaan kara:
1. Hadii aad guriga kudhaqanayso xayawaan qaba fayraskan
2. Hadii aad kashaqaynayso meel lagu baadho fayrasyada
Maxa loga hortagi karaa?
Hadaad dhaqanayso xayawaanada inaad katalaasho Raabiyada ama inaad kafogaato xayawaanada unugul xanuunkan iyo inaad sidhaqsa ah laxidhiidho dhakhtarkaaga kadib marka uu xayawaan fayraska qaba uu kuqaniino sidad ugu hesho daryeel caafimaad.
Hadii ayjiran su’al laxidhidha Maqaalka fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 06th/08/019
Updated On: 07/05/021