Cinwan Hosedyada

Hordhac

Shuban Biyood waxa luqada qalaad lagu dhaha Koleera(Cholera). Waa xanuun dilaa ah gaar ahaan, Hadusan bukaanka helin adeeg Caafimaad ku filan.

Xanuunkani Da’da kasta ayu kudhici kara Sida Dadka waaween iyo Caruurta.

Maxa Sababa?

Shuban Biyoodka waxa sababa ama keena Bakteeriyada (Vibrio Cholerae), Waxay qofka ugu dhici karta inu qaato Cuno mise Biyo wasaqaysan.

Waxa uu Dunida kufaafay Qarniga 19aad ayado asal ahaaan uu kuso bilowday Dalka India, Waxa udhintay Milyanis qof Dunido idil.

Sanada 1971 ayay ahayd marka u horeysa lagu arko Afrika halka Latin Amerikana  lagu arkay Sanada 1991 da.

Xog Guud

Xog guud - General Information

Cilmi Baarayaal(Researchers) waxay xaqiijiyeen in sanad walba ladiiwaangaliyo Celcelis ahaan 1.3 ilaa 4.0 milyan Bukaano halka 21,000 ilaa 143,000 ay udhintaan shubanbiyaadka dunida oo dhan.

Ururka Caafimaad Aduunka(WHO) Waxay Soomaaliya kadiiwaan galisay in uu Shuban Biyoodku  kadilaacmay bisha 12 aad ee December 2017 laguna arkay gobolka Hiiraan gaar ahaan Baledwayne. Waxa uu kusii fiday Gobolada sida:

  • Banaadir
  • Jubada Hoose
  • Shabeelaha Dhexe.

Inta udhaxaysay 2017 ilaa 18 march 2018 dhamaan bukaanada shuban biyoodku uu kudhacay waxaa lagu qiyaasaa 1,613 Bukaan, waxa udhintay 9 qof udhiganta (0.6% dhimasho).

Side ayu ugudbo?

Shuban Biyoodku waxa uu kugudbi karaa qofka in uu isticmaalo cuno mise Biyo wasaqaysan

Calaamadaha Lagu Arko Bukaanka maxay yihin?

In lagu arko calaamadaha waxay qaadankartaa ita udhaxaysa 12 saacadood ilaa 5 malmood Qofka markuu isticmaalo kadib biyo mise Cuno  wasaqaysan waxaa ugu caansan:

1. Shuban

2. Matag

Shuban lagu arko Nuuciisa waa sida Biyaha Bariiska laga maydhay(Dhaqay).

Yaa Halis ugu jira?

Xanuunkan Waxaa halis ugu jira:

1. Bulsho nadafadoda hosayso ama liidato

2. Guriga uu kunoolyahay qof xanuunkan la liita

3. Cunada aan sifiican loo Karin sida hilibka kaluunka i.w.m

Hadii Ladawayn Waayo Maxa Dhici Kara?

Shuban Biyoodka hadii ladaweenwayo waxaa dhici kara:

1. Fuuqbax xoogan ayna bukaanka kukeeni karto dhimasho

2 . Bukaanka inuu shook galo

3. Sonkorta dhiiga dhexmarta in ay hoos udhacdo

4. Kalyaha inay shaqadooda gaban(Kidney Failure)

Side looga hortagi karaa?

Waxa looga hortagi karaa:

  • In aad gacmaha kudhaqato saabuun xaajada kadib
  • In aad cabto biyo nadiif ah
  • In aad cunto raashiin sifiican loo kariyay

Sidoo kale waxaa jira talaal la’isaga difaaco shuban biyoodka

Hadii ayjiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question),

Fadlan Lawadaag saxibadada mise dadka kale adiga oo adeegsanayo Social iconka kaaxiga dhanka bidix.

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 6th/08/019

Updated: 07th/05/023

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply