Hordhac
Baradho (Bataati) Macaan Hadba sidaad utaqaano waa mid kamida Cunada dunida ugu muhiimsan. Ahmiyadaas wayn aya ugu wacan in laga hela Nafaqooyin jirkeeda ubaahan. Ibamoya batatas (Ipomoea batatas) aya ah magaca Cilmiga ku dhisan loo yaqaano Baradho Macaan.
Wuxu yeelan kara Midab Cadaan, Casaan(Guduud) xigeen iyo Oranji(Orange). Dalkeena Nuuca laga helo Midabkiisa waa Casaan Xigeen halka Gudaha Cadaan uu ka yahay.

Nafaqooyinku Hodan ku yahay aya kamida Barotiin (Proteins), Macdan(Minerals), Faytamino(Vitamins), Antioksidantis(Antioxidants) iyo Faybaris.
Faybarisku waa qayb kamida Karbohaydaretiska, Wuxu ka qayb qaata Dheefshiidka.
Anti-Oksidantiska waxay lid ku yihiin Maadooyinka Oksidantiska dhibaato ugaysan kara jidhka.
Wuxu Sare uqaada Koriinka Uur jiifka, Dheefshiidka, Aragga, Shaqada Maskaxda iyo Difaaca jidhka. Islamarkaana hoos udhiga Xanuun dhaliyayaasha sida Fayraska(Virus), iyo Bakteeriyada(Bacteria).
1. Haweenka Uurka Leh
Baradho Macaan waa Cuno aad ugu Haboon Hooyada Uurka leh, Gaar ahaan Bilooyinka uhoreeya (First Trimester). Faytaminka Nuuciisa A (Vitamin A) iyo Foledka (Falate) ku dhexjira Cunadan aya ka dhigaysa in Muhiim unoqdo Hooyada iyo Uurka jiifkaba.
Wuxu ka saacida Caafimaadka Maskaxda, Koriinka Lafaha iyo Araga.
2. Dheefshiidka
Baradho Macaanka waxa ku dhexjira Maadada Faybariska. Faybarisku waa qayb kamida Karbohaydaretiska(Carbohydrates). Jidhkeena abood uma lahan in uu wada burburiyo 100%.
Sida owgeed, Waxa laso raaciya Saxarada sidu u wanajiso Calol socodka, unadiifiyo Mindhiciryada(Xiidmaha), Uguna Hortago Calool fadhiga iyo Gaaska.
3. Aragga
Cunadan Muhiimka ah waxa kalo laga hela maadada Beta karotin(Beta-carotene). Maadadani wuxu jirkeena Illaahey abood usiyay inu kadhigan karo Faytamin A (Vitamin A), Si looga hortaga Indha qalaylka iyo Xanuunada Arraga ku dhaca.
4. Caafimaadka Maskaxda
Faytaminka Nuuciisa B6 (Vitamin B6) aya laga helo, Wuxu sare uqaada Caafimaadka Maskaxda, Shaqada Neerfaha iyo Xusuusta.
Waxay Cilmibadhisyadu tilmaaman in Ansosayaninta (anthocyanins) ku dhexjirta Baradho macaanka ay Maskaxdu ka difaacdo Waxyeelada Caabuda.
Inta waxa dheer in tijaabadani lagu sameeyay Xayawaanada qaar, oo aan wali qof Bini´aadan aan lagu samayn.
Sida Caadada ah Maadada Anti-Oksidantiska Cunooyinka laga helo waxay hoos udhigaan Dhamaan Xanuunada Maskaxda ku dhaca.
5. Difaaca Jirka
Wuxu kordhiya Abooda jirka iyo Iska Caabinta Xanuunada, waayo waxa ku dhexjira Faytaminka nuuciisa A iyo C (Vitamin A,C). Waxa kalo ku jira Anti-oxidants oo aan sare kuso xusnay Ahmiyadiisa.
Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Kudhufo Halkan).
Last Updated on 2 weeks ago by Mas’ud Sayed





