Qajaar(Cucumber) waa midho/qudrad dherer leh midab ahaan Cagaaran. Waxa lagu tiriya inu kamid yahay faamiliga Xabxabka mise Qaraha.
Dalalka kamida Koonfurta Aasiya(Asia) aya ah wadama ugu horeya lagu arkay gaar ahaan, Dalka India laakiin, waxa sido kale suuragal ah in Qudradani lagu beeri karo Qaarad walba.
Nuucyo Maleeyahay?
Midhahan Cajiibka badan wuxu leeyahay 2 Nuuc:
1. Slicing Cucumbers(Qajaar dhadher)
Nuucana hadii afka Soomaaliga lagu micneeyo waa mid dherer leh kuna fiican jarjarida waayo dherer ahan waxa lagu qiyaasa inkabadan 12 Inches.
Inta badan waxa loo adeegsada in lagu biiriyo Saladh/Salad.
2. Pickling Cucumbers(Qajar Gagaban)
3 – 7 aya ah dhererka ugu badan uu gaadhi karo. Dusha sare wuxu ku leeyahay oogo(Surface) aan simanay.
Nuucani waxa badi loo adeegsada in laga sameeyo BIKAL(Pickles) .
Bikal – Waa hab qajaarka looga dhiga dhanaan ayado la adeegsanayo Biyo, Milix iyo Sonkor kadib waxa lagu xidha daasad mise quraarad.