Guudmar/Fakir Guud
Liinta waa miro Caanka ah dunida oo dhan, Waxa loo adeegsada siyaabo kala gadisan sida:
- In khudradda lagu biiriyo
- In cunada lagu macaaneyo
Faa’idadeeda waxan ugu hadalnay Maqaal hore – HALKAN KA AKHRI
Ma kugu dhacday adigo jikada kujira mise meelkale jooga in silamafilan ah Isha ka gaadho liinta?
Dabcan Haa Dadka badidooda way kudhacday, Kulayl iyo Xanuun ayay leedahay.
Liinta dhecaankeda haday Isha kaga dhacdo waxa dhici kara inu warwar kugalo gaar ahaan, markay kaga horeyso oo aad ku fakirto inay ishaada samayn Taban(Negetive) ku yeelato.
Waxa run ah inaysan waxba ka dhibin. Laakiin, hadii si ogaal iyo joogta ah qofka isha ugu adeegsado waxay waxyeelo ugaysanaysa Isha.
Dhibaatooyinka laga dhexlo waxa kamida infakshan iyo Lakabyada(Layer) Isha inay waxyeelayso
Liinta Oo Isha Lagu Dhibciyo Arag Beel Maleedahay?
Lakabyada isha ayu waxyeelo ugaysanaya laakiin, Waxyeeladu uma dhaadhacdo lakabyada qaybtoda hoos.
Sida owgeed, Inta badani Arag beel(Blindness) ma keento laakiin, hadii sijoogta ah loo adeegsado waa hubaal inay waxyeelaynayso Araga.
Dhecaanka liinta haday si kadis ah isha kaga dhacdo waxa kula gudboon inaad ishaada Biyo nadiif ah ku furto.
Hadad Isha(Eye) ka dareemayso Xanuun, Kulayl iyo Barar joogta ah Fadlan waxa kuula gudboon inaad lakulanto Dhakhtarkaga ama Dhakhtarka kuugu dhow.
Waxa jira Aragti kala duwan oo dadka kudhiira galinaya isha in Liin lagu dhibciyo ayago dadka ka dhaadhicinaya inay Araga iyo Caafimaadka isha uwanaagsan tahay.
Laakiin, Ma’ahan kuwa aqoon iyo Cilmibaadhis lagu saleeyay sida owgeed, Waxan Maqaal kuso gabagabeynaya halkad liin isha kudhibcin lahayd waxa kaaga wanaagsan inaad cuna ahaan uqaadato.
Hadii ay jiraan su’al maqaalka laxidhiidha Fadlan Noogu Soogudbi Qaybta Su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 21th/05/022