Cinwan Hosedyada
Guud Mar/ Faham Guud
Nasa Xanuun waa xaalad dumarka ay Naasaha ka dareman damqasho(Xanuun). Damqashadu waxay noqon karta:
- Mid kaliya ku kooban taabashada kadib (Xanunka waxa la daremayo marka lataabto)
- Mid aan kuxidhnayn taabashada
Xanuunka Si joota ah aya loo dareemi kara mise wuxu noqon kara mid mararka qaar la dareemo.
Maxa Keena?
Naasa xanuunka badi waxa la laxidhidhiya isbadelaha Hormoonada xiliga Caadada.
Xiliga Caadada ka horeysa waxay haweenka qaar naasahooda ka dareeman kuus wayn damqasho leh, waxa laga yaaba tani inay baqdin ku beerto.
Laakiin xaqiiqda aya ah inaysan tani halis lahayn waayo marka caadada laga gudbo caadi ayu noqda ayadon wax dawo ah la adeegsan.
Talo Guud
Qaado cunooyinka laga helo Faytamin E (Vitamin E) sida:
- Kaaroga(Karootada)
- Koostada
- Saytuunka
- Saliida laga sameyay Saytuunka
- Sabuulka iyo lowska
Faytamin E, wuxu faa’ido uyahay guud ahaan jirka Aadanaha, gaar ahaan Naaso xanuunka xiliga Caadada.
Goorman Dhakhtar Aada?
Waxa gudboon inaad la kulanto dhakhtarkaaga mise dhakhtarka kugu dhow:
1. Hadii Naasaha kaso muuqdan kuus cusub aan caadada ku xidhnayn
2. Hadii Naasa xanuunka aad ka hurdi la’dahay
3. Hadii Naasa xanuunka samayn kuyeelanayo caado maalmayd kaga
Hadii ay jiraan Su’al Laxidhidha Maqaalka Fadlan Noogu Soog Gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).
Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 05/05/023
Last Updated on 2 years by Mas’ud Sayed
Pingback: cigmadil clindamicina