Cinwan Hosedyada

Hordhac

Su’ashasi jababteedu waxan ugu jabaabayna 7 sabab, todobadaasi sabab ay yihin kuwa ugu muhiimsan anaga oo raacinayna faafaahin kooban.

1. Nolol ayaa lagu badbaadiyaa

Qofka hadu utababaran yahay gargaarka degdega ah waa qof isku qaba kalsooni iyo iskuhalayn hadii uu xaalado degdeg ah lakulmana kama warwarayo in uu xakameeyo deedna talaabo kuhaboon uu qaado

2. Waxay badbaadiyaha u horseedaysa in uu dhibanuhu kahelo xaalad deganaan gudaha ah

In lahelo qof utababaran gargaarka degdega ah waxay dhibanuhu ku abuurta dagenaansho waayo waxuu aaminaya inay jirto qof xaaladiisa wax kaqaban karta ilaa ay tiimka(Kooxda) degdega ah kasoo gaadhayaan mise inta laga gaadhayo goob caafimaad sida Isbitaalada.

3. Waxay yareysa xaalada in ay kasii darto

Xaaladaha qaar hadii uusan dhibanuhu helin gargaarka asaasiga ah(Basic First Aid) xaaladooda waay kasii darta waxayna uhorseedaysa inay yareyso fursada wax loogu qaban lahaa. Adiga oo kara inaad bixiso gaargaarka asaasiga ah waxay ku fudeydinaysa inaad dhibanuhu kaxakamayso qatarta inta laga gaadhayo goobta adeegyada caafimaad.

4. waxay kugu beerta kalsooni ah inad wax daryeeli karto mise badbaadinkarto

Inaad yeelato aqoonta gargaarka asaasiga ah waxay kugalinaysaa inaad xirfadaada kalsooni kuqabto aadna sifiican ugudato howshaada,

5. waxay xaqiijinaysa caafimaadka iyo nolol badbaado leh insha’allah

Qof utababaran gargaarka degdega ah waxaa macquul ah inuu badbaadiyo dadka kuharaysan kuna abuurta dareen ah inuu jiro qof utabaran hadii ay qatari timaado lanatacaali karo waayo waxaa hubaal  ah qof anaga nagamid ah inuusan ogayn waxii mustaqbalka soo socda.

6. waxuu yarayn karaa booqashada aan isbitaalka loogu bahnayn

Waxa jira xaaladaha qaar aan loobahnayn inaad isbitaal u aado sida inuu kamurgacdo canqowga(Sprained ankle) oo lagu sixi karo in sixirfadaysan loogu xidho baanteeg(bandaging), in laqaato nasasho lana yareeyo bararka hadii uu jiro.

7. waxuu yareeya mudada aad isbitaalka joogi lahayd.

In sidhaqsa ah dhibanuhu lagacaabiyo qatarka waxay yareysa baahida uu isbitaal kujoogi lahaa.

Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka Dr.Mas’ud Sayed,

On 26th/08/019

Updated On: 25th/08/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply