Cinwan Hosedyada

Faham Guud

Atenol mise Atinool waa xubin kamida kuwa laysku yidhahdo Antihaybartansif daragis(Antihypertensive Drugs).

Waxay inta badani kutimaada Kaniini. Magaca labaad mise kan suuqa loogu yaqaano waa Tenormin.

Isticmaalka

Atenol Uses to

Waxa dawadani loo adeegsada in Dhiiga lagu dajiyo(Cadaadiska dhiigo sareya), Hadan si kale udhigo dhiigkarka aya lagu daweya(Hypetension).

Mararka qaar Xabad xanuunka(Chest Pain) aya lagu daweyo gaar ahaan, kuwa dhiigkarka mise xanuunada wadnaha iyo marinada dhiiga laxidhidha.

Qiyaasta

Cabirka/Qiyaasta dawadani waxay ku xidhan tahay xaaladda guud ee bukaanka laakiin, guud ahaan waxa laga qaadan kara 25mg, 50mg, 100mg.

Dhibaatooyinka ay yeelan karto

Dhibaatooyinka ka dhalankarto isticmaalka daawadan waxa kamida:

  • Xanuunadda Wadnaha
  • Neefciriiri(Hawado kugu dhagta)
  • Waxay kalo dawadani hoos udhigta Wadna garaacidda

Dadka aan loo ogolayn inay qaataan

Atenol not give to

Daawadani looma ogola inay qaatan dadka Wadnaha Ka Xanuunsan iyo Hooyada Uurka leh

Afeef:

Qoraalkan kama turjamayo qof shaqsi mise koox dawayntooda kaliya waxaynu ugu talagalnay Faham guud iyo wax kororsi.

Sida daraaded, Xaalad walbo gaar ah laxidhiidh Dhakhtarkaga mise Dhakhtarka kugu dhow. Mahadsanid,

Hadii ay jiraan Su’aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 14th/07/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply