Cinwan Hosedyada
Waa Maxay Nafaqo?
Nafaqada Caruurta waa qaabka Caruurta loo nafaqeeyo. Nafaqada waa habka qaadashada cunada intu jidhka ubahanyahay ayado lagu saleynayo qeexidda Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO)
Dhallaanka(bisha 1aad ila 12aad) iyo Caruurta da’da dhexdhexadka ah(1 ila 12 sano jir) waxa saxan mise wanaagsan in cuno qaadashadoda lagu saleyo Culeyska/misanka jidhkoda.
Waayo taa waxay caruurta kasacida isudhelitirnanta koriinka jidhka iyo horumarka maskaxda. Ciyaalka da’da hore(dhallaanka) koriinka ay sameynayan waxu kusocda si degdeg leh.
Waa xiliga ugu badan ay koriin sameynayan dareemayasha(Nervous), gaar ahaan kuwa garashada halka Caruurta da’da dhexdhexadka ah koriinkoda lagu qiyaaso 60%.
Da’da 4 ila 24 bil, waa xiliga ay Caruurta unugul yihiin koriin istaaga sida owgeed, waalidka waxa xiliyadan lagudboon inay aad ugu taxadaran nafaqaynta caruurtoda.
Nafaqadu ilaa imisa nuuc ayaa lookala saara?
Nafaqadu waxa lookala saara 2 nuuc:
1.Nafaqooyinka Waawayn(Macronutrients)
Nafaqoyinka waweyn waxaa hosyimaada sida:
- Karbohaydaretiska (Carbohydrates)
- Baruurta(Fats)
- Barotiinada(Proteins).
2.Nafaqooyinka Yaryar(Micronutrients)
Nafaqoyinka yaryar sidokale waxa hosyimada sida:
- Fitaminiska(Vitamins)
- Birta(Minerals).
Maalmaha Soosocda waxan kahadli dooona qaybaaha kala Casharka insha’allah.
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 16th/08/2020
Updated on: 25th/12/021
Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed
Pingback: Naaska Hooyada iyo Nafaqada | Galolmedicine
Pingback: Nafaqada nuucyadeda kala duwan - Nafaqada Caruurta | Galolmedicine
Qofka ciyaalka ah ee qufaciisu qoxqox yahay maxa lagu daaweyn kara maxase haya?
Suber Ali Ahmed Kuso Dhawo Galolmedicine,
1.Da’diisu waa imisa?
2.ilaa gormad ku aragtay?