Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Gedefku waxa afka qalaad lagu yidhahda Rikatis (Rickets),waxa uu kamid yahay xanuunada kudhaca habdhiska lafaha, xanuunkani waxa inta badan lagu arka caruurta ay da’doodu udhaxaysa 6 ilaa 24 bil mise ilaa 2 sano laakiin, waa ay dhici karta in sido kale lagu arko dadka waweyn.
Hadii uu xanuunkani kudhaco dadka waaweyn afka qalaad waxa loogu yeedha Ostiyomaleshiya (Osteomalacia) micna ahaan loogu jeedo lafta jilicsan.
T. Maxa keena?
Gedefku waxa keena marka ay jidhka kayaraato faytamin D da(Vitamin D), kalsiyamta(Calcium) iyo Fosfayd (Phosphate). Nafaqooyinka nuucani waxay kashaqeeyaan in sare looqaado tayada iyo adkeysiga lafaha.
Gaar ahaan Faytamin D da waxay jidhka kasaacida in kalsiyamta iyo Fosfaydka dib loogu soo nuugo mindhiciryada.
Waxa jira nuuc kamida Gedefka oo lakala dhexlo laguna magacaabo Heretitari rikatis (Hereditary Rickets).
J. Xagen kaheli kara Faytamin D da?
Faytamin D da waxa laga heli kara cunooyinka sida:
1.Caanaha
2.Beeda/Ukunta
3.Kaluunka
4.Cadceedda/Qorraxda (Dadka qaar ayaa aminsan in cadceeddu laftigeeda faytamin D da laga helo laakiin, sax ma’ahan ee waxay unugyada(Cells) maqaarka kasaacida in ay dhaqaajiyan faytamin D lagu kaydiyay maqaarka)
X. Waayo cida unugul?
Waxa unuglan kara sida:
1.Caruurta dhiciska ah
2.Dadka dhaqaalaha kuyar
3.Dad kunool deegaanada Cadceeddu kayartay
4.Dadka madooban (Waayo waxa latilmama in ay dadkani kuyartahay fal celinta cadceeda)
Kh. Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha lagu garto Gedefka waxa kamida:
1. Xanuun laga dareemo lafaha(gaar ahan kuwa sameya gacmaha,lugaha iyo lafdhabarka)
2. Koriin istaag
3. Lafo jajab
4. Murqo xanuun
5. Soobixitanka ilkaha oo dib udhaca
6. Lugaha in ay noqdan sida qaansada(Bowlegs)
7. lafaha xabadka oo taagma
Hadii aad ugu shakiso calaamadahan caruurtada mise qof kale Fadlan laxidhidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow, sidad ugu helo talooyin iyo dawoyinka kuhaboon.
D.Side logu hortagi kara?
Gedefka waxa loogu hortagi kara ayado laqaata cuno isudheeritiran lagana helo Faytamin D da, Kalsiyamta iyo Fosfayd. Waxad kalo ugu hortagi karta adigo isu dhigo cadceed leh kul dhexdhexaad ah, silo cariyo/kiciyo faytaminta kujirta maqaarkaga.
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybtaa su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 06th/01/019
Updated on: 17th/09/2021