Cinwan Hosedyada

Shubanka Caruurta iyo Ilkaha xiriir ma kadhaxeya?

Calaamadaha lagu arko Caruurta xiligay Ilkaha uso baxayan waa ay tira badan yihiin waxa kamida:

  • Dhareer badan
  • Kacsanaan
  • Cunada inay iska diidaan

Laakiin, Su’aashu waxay tahay Shubanka ma Ilkaha ayu lasocda?

Waxay dad badani Aaminsan yihiin inu shubanka lasocdo ilkaha laakiin, Maanta waxan maqaalkan kugu Cadeynayna Hooyo Macaan,

Akhristaha Sharafta naga mudan in ay waxasi khuraafaad yihiin. Sidee!!!

Sabab - Surprise

1. Ma ogtahay Caruurta Si walbay iskaga yareenkaran raaxo la’aanta ay leedahay Iliga soobaxaya wax walba inay afka galiyan?

Waxay taasi Fudeydinaysa bakteriya inay Caloosha udhaafto/sifudud ku liqaan . Dabcan bakteeriyada qaar waxay keenan Shuban.

Fadlan shaywalba, waxwalba hareeraha ilmaha udhow, dhibna ukeeni kara kafoge

2. Waxay Caruurta ilkaha uso baxaan inta udhaxeysa 6 bil ila 2ba sano sida owgeed, Waa xili Caruurta ay lakulman xanuuno fudud ukeeni kara:

  • Qandho
  • Matag
  • iyo Shuban

Waa xiligay isku beegmi karan xanuunada fudud iyo Ilka soobaxa.

Si difaaca ilmaha loo xoojiyo, Hooyada waxa lagudboon:

Jaantuska Hooyo Caruur Naas Nuujinayso

B.In ay ilmaha Naas jaqsiinta ukordhiso

T.In ilmaha lasiyo Talaalada Muhiimka ah

Gorman Dhakhtar aadi kara?

Dad badan aya aaminsan, Candhuufta badan Caruurta jidhkoda laga soosaaro in saxarada ilmaha kadhigeyso mid jilicsan!

Laakiin, Akhriste waxad xusuus naata in shubanku Calaamad unoqon karo infakshan Halis ah. Waxad ubaahan tahay inaad lakulanto dhakhtarka Caruurta:

1. Hadii shubanka saa’do mise maalmo socdo

2. Hadii ilmaha diido cunada iyo Cabidda

3. Hadad saxarada ilmaha ku aragto dhiig

Hadii ay jiran su’al laxidhiidha Maqaalka Fadlan hawaaban inaad noogu soogudbiso qaybta Su’alaha (Ask Question)

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 29th/09/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply