Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Biraha Ilkaha lagu xiro waa Aalad loo adeegsado in lagu toosiyo ilkaha. Afka Qalaad waxa lagu dhaha Dental brace.
Waxa Birahani adeegsigooda lagu tiriya inay kamid tahay qaababka kala duwan ilkaha lagu dabiibo. Orsodontikis (Orthodontics) Waa Cilmi sigaara loobarto, Lehna Dhakhaatiir gaara.
Waxa diirada lagu saaraya habka Biraha Ilkaha loogu xiro iyo Dadka loo xiro, Dhakhaatiirta Aqoontani baratay waxa afka qalaad lagu dhaha Orsodontist(Orthodontist).
Cillado badan aya kadhalan kara hadii qaab xirista wax ayka qaldamaan sidaa daraaded, Muhiimad ayay leedahay qofka xiraayo inu noqdo Dhakhtar aqoon buuxda uleh.
Sideen ku ogaan kara in ilka xiris loobaahan yahay?
Sanada 1998 Cilmi baaris lasameeyay aya lagu tilmaamay Dadka ubaahan Biraha ilkaha lagu xiro inay kabadan yihiin dadkaan ubaahnayn, waayo 35% aya noqday dad Ilkahooda isku toosano hagaagsan.
Calaamadaha kuu bidhaaminkara in ilka xiris loobaahan yahay waxa kamida:
- Ilkaho kala dhaadheerada(kala fogfog)
- Inay qofka ku adkaadan Erayada qaar kudhabaaqidooda
- In lagu daalo Calalinta(Chewing) cunada
Dhakhtarka ilkaha guud markad lakulanto ayaad ka ogaan karta waxwalba.
Hadii aydhacdo inaad ilka xiris ubaahan tahay, Dhakhtarkaga aya ku diri doono dhakhtarka kale Farsamadaas ku heeldheer.
Nuucyo maleeyahay?
Biraha Ilkaha Lagu xidho Nuucyo ayu leeyahay, Nuuca qofka loogu xidhaayo waxa go´aaminayo Dhakhtarka Ilkaha, gaar ahaan Dhakhtarka Farsamadan ku xeeldheer(Orthodontist).
Nuucyada Waxa kamida:
- Siramic(Ceramic), Nuucani wuu qarsoon yahay aad looma arko
- Linguwal(Lingual) kani waxa lagu xidha Ilkaha qaybtooda dambe
Xarago Malo Xiran Kara?!
Waa khalad Bulshada laga dhaadhiciyay in Ilka Xirista lagu xaragoodo, Sida awgeed Jabaabtu waa maya.
Waxa jira Aalad kalo ladhaho Dental veneers oo ay dadka qaar u adeegsadan Qurux iyo Xarago. Aaladani ma´ahan Biro mise Silig lagu xidhaayo Ilkaha, Waxay u egtahay Ilkaha islamarkaana waxa ladulsaraaya Ilkaha.
Maxa Gudboon Hadii Si Qaldan looxidho?
Fadlan Laxidhiidh Dhakhtarka Kugu Dhow gaar ahaan kan Farsamada iyo Takhasuuska Orthodontist ka leh sidaad ugu hesho talada kugu haboon.
Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Kudhufo Halkan).
Mahadsanid,
Last Updated on 3 weeks by Mas’ud Sayed