Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Da’da lagu gabobo hadu qofku gaadho (>60) waxa caadi ah in jidhka ay kadhacan isbadelo isugu jira mid togan iyo tabanba leh laakiin, hadii aad aqoon uyeelato isbadelada jidhkaga kasocda waxay ubadan tahay inaad kunoolato nolol isudheelitiran.
Waxyabaha isbadela waxa kamida sida Lafaha, Maqaarka iyo maskaxda, marna ha ogolaan inay isbadalada kugu siidarto oo aanad kaniyad jabin waxad badali karto.
Sida owgeed Qaado 7dan talo sidad ula jaanqaado marxalada cusub uu jidhkaga wajahayo:
1. Kunolo nolol firfircon
Jimicsiga waxa uu kamid yahay furayasha ugu horeya ee sare loogu qaado caafimaadka jidhka iyo maskaxda. In lagu noolaado nolol firfircoon waxay kugu saacida inaad hesho isudheelitirnaan iyo xorriyad ah inaad aadi karto halkad rabto.
In jimicsiga lajoogteeyo sido kale, waxu kahortag unoqon kara xanuuno kala duwan sida xanuunada kudhaca wadnaha, Sonkorowga, Dhiigkar iyo Niyad jab.
2. Qaado Cunada Caafimaadka leh
Dadka da’da ah waxa lagudboon inay qaatan cunada sida Miraha(Muuska,Cambaha,Tufaaxa w.l.m), Khudrada nuucyadeda kaladuwan iyo cunooyinka laga helo faybariska.
Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretiska(Carbohydrates), Jidhkeena abood uma lahan in uu burburiyo 100% sidaa daradeed, waxaa laso raaciyaa saxarada si ay calool socodka uwanajiso.
Macmacaanka, Milixda/cusbada iyo cunada qasacadaysan waa cunooyinka larabo inay kafogaadan dadka da’da ah, hadii aydhacdana inaad qaadato waxa wanaagsan inaad maanka kuhayso xadiga aan ugu baahantahay adigo kala kashanaya dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow.
3. Isudheelitir mise ilaali maskaxdada
Baaritaano lasameyay aya waxay cadeynayan in Carbin/kicin lagu sameyo garowshiyaha gaar ahaan dadka gaboobay ayado logu dhiiri galinayo akhrinta bugaagta mise waxyaabaha kale qofka kasaacidi kara kobcinta maskaxda aya waxay yareyn karta inuu hoos udhac kuyimaado garaadka qofka sida daraadeed, waxa fiican in lajogteyo barashada waxcusub,joogeynta qoraalka iyo akhrisashada.
4. Kudadaal xidhidhka aad laleedahay ilaaheey S.W.T iyo tan bulshada
Bulshada somaaliyeed waa bulsho ilaaheey kumanadaystay Diinta islaamka, adigo kuxidhnada salaada,akhrinta Qur’anka iyo bixinta sadaqada waxay kudhexalsineysa farxad iyo rajo fog kaana ilaalinaysa xanuunada sida walwalka iyo walbahaarka, waxad kalo Wakhti laqadata qoyskaga iyo asxabtada.
5. Kudadaal inaad hesho hurdo kugu filan
Dadka da’da ah inay helan Hurdo kufilan waxay qayb katahay caafimaadkoda,hadii ay sijoogta ah usexdan inta udhaxeysa 7 ila 9 saacadod haween walbo, waxay kadhigan tahay inay hurdadoda isu dheelitiran tahay.
Waxad iska ilaalisa inaad isticmaasho waxyabaha hurdo la’anta keena sida Kafeega gaar ahaan xiliyada fiidka, Hana seexan maalintii inkabadan 20 daqiqo.
6. Jooji Cabida Sigaarka
Waxan shaki kujirin cabida sigaarka inuu caafimaadka waxyeeleyo, waxa uu xidhidh laleeyahay xanuuno kaladuwan oo ay kamidyihin Xanuunada kudhaca wadnaha iyo Sambabada.
7. Raac odhaahda’Kahortaga waxa uu kawanaagsanyahay dawenta’
Dadka da’da ah inay baaritano guud isku sameyan waxay kahortag unoqon karta xanuuno kala duwan.
Hadii ay jiran su’alo laxidhidha casharkan fadlan nogu sogudbi Qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 24th/02/2020
Updated On: 24th/03/021