Cinwan Hosedyada

Guud mar/Faham Guud

Dhiig waa dareere la gu noolyahay qofaan dhiig laheyn micnaheedu waa qofaan noleyn.

Magacyo kala gadisan aya dhiiga loogu yeedha sida:

1. Dareeraha nolosha

Waayo Sambabada waxu inoogu soo qaado Hawwada deedna waxu geeya qaybaha kale jidhka.

2. Dareere lagu koro

Waayo habdhiska dheefshiid ayu kaso qaada waxyaabaha nafaqada ah kadib waxu geeya nudayaasha kale ubaahan.

3. Dareeraha Caafimaadka

Waayo waxu jidhka kadifaaca waxyeelada kala gadisan ugu imaneysa gudaha iyo dibadda.

Midabka dhiigu waa Casaan, Mugiisu waa 5 litre, Adeegiisa waxa uu 5jeer ka adag yahay biyaha.

55% aya dareere ka ah halka 45% aytahay unugyada dhiiga sameeyo

Marka laga hadlayo waxyaabaha dhiiga uu kakooban yahay waa laba:

  • Qayb unugyada dhiiga sameya
  • Qayb dareere ah

Unugyada dhiiga laga helo waxa saddex nuuc:

1. Unugyada Cascas

2. Unugyada Cadcad

3. Unugyada xinjirowga dhiiga

Qaybta kale aan unugyada dhiiga aheyn waxa kudhexjira:

  • Sonkor
  • Barotiin
  • Hormon
  • Dufan(Baruur)
  • Fiitamiin

Hadii ay jiraan Su’aal Laxidhidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 29th/06/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply