Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Gubashada waa marka ay nudayasha(Tissue) jidhka dhawaci sogadhan, sida maqaarka mise xubnaha kale jidhka uuleeyahay.
Waxa keeni kara:
1. Ololka(Flames)
2. Biyo kul sare leh
3. Kiimikada
4. Korontada
5. Shucaac sida Cadcedda/Qorraxda
Talaabada ugu horeysa looqaado dhanka gargaarka degdeg ah mise dawenta gubashada waxay kuxidhantahay nuuca gubashada.
Gubashada waxay leedahay 2(laba) nuuc, waxay kala yihin:
B) Gubashada yar/kooban(Minor Burn)
Waa marka ay gubashadu tahay heerka 1aad mise heer 2aad, waxa kooban gubashada.
Gargaarka degdega ah loosameynayo waa:
1. Biyo kuqabooji dabka, Sidaganaanshiyo leh dhaawaca ugu nadiifi biyo diirimaad(Qandac ah) leh.
2. Waxad dhibanaha kasaarta hadii uu xidhanyahay sida jijin, katiin, fargashi(Faraanti), Saacad iyo wax kasto dhibaha cidhiidhi kukeeni kara.
3. Waxad nabrada biyaha kujira ka ilaalisa inay daloshaman waayo, waxay keeni karan infakshan, hadii ay silamafilan ah udaloshaman fadlan kunadiifi jeermis dile.
4. Markad dabka qaboojiso kadib, Isticmaal Aloy vera gel(Aloe vera). Aloy vera waa dawo dhawaca kadhigta mid qoyan kana ilaalisa qalaylka.
5.Kudabol dhaawaca faashad leh jeermis dille adigo sikhifiifan ugu duubayo, iskana ilaali inaad nabarka cadaadiso.
F.G:
Fadlan Ka’ilaali nabarka sida subagga,koolgedka(Coolgate) iyo beeda/ukunta
T) Gubashada daran(Major Burn)
Waa marka ay gubashadu tahay heerka 2aad iyo heer 3aad, waxa daran gubashada.
Gargaarka degdega ah losemaynayo:
Talaabada ugu horeysa laqaado, Waa inaad sidegdeg ah ula xidhiidha Goob Caafimaad, kadib kudhaqaaq talaabooyinka soosocda ilaa ay tiimka(Kooxda) degdega ah ka’imanayan:
1. Hadii aad aboodo dhibanaha kaso saar halka gubanayso silogu hortago gubasho dheerada.
2. Kasaar dhibana hadii uu xidhanyahay shey gubanayo mise waxyaabo kale sida Saacad, Jijin, I.W.L.M.AH.
3. Hubi hawa-qadashada/Neefsashada qof adigo dhabankaga(Cheeks) udhobaynayo afka dhibanaha, hadii aad kawaydo bilow habka neefsiinta.
4. Hadii uu dhibanaha gubteen faraha, isticmaal faashad leh jeermis dile, adigo dhexgalinayo faraha labadhexdoda silogu hortago iskudhigida.
5. Biyaha Ka’ilaali qofka sidaran ugubtay, waayo waxa hoos udhaca heerkulka jidhka, taana waxay qatar galin karta nolosha qofka.
Dadka Colgate ka iyo waxyabaha kale adeegsada waxay ubadan yihiin dadka aan gubashada sida loomaareyo aqoon ulahayn.
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan Hawaaban inaad noogu sogudbin qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 29th/06/2020
Updated on: 08th/01/022