Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Gubashada waa marka ay nudayasha(Tissue) jidhka dhawaci sogadhan sida maqaarka mise xubnaha kale jidhka uuleeyahay.

Waxa lagu tiriya inu kamid yahay dhawacyada kadhaca guryaha kuwoda ugu caansan.

Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxa laga diiwan galiyay in ay gubashadu sanadwalba udhintan dadka gaadhaya 180,000 (Boqol iyo Sidetan kun) qof aduunka oo idil. Waxay intabadani kadhacan Dalalka dhaqaalahooda hooseeya mise dhexdhexaadka ah.

Xogaha Dalalka Qaar laga haayo:

Xogaha dalalka qaar - World Map

1. India inkabadan 1,000000(Kun) qof ayaa sanadwalba gubata

2. Bangladesh kudhowad 173,000(Boqol iyo tadawatani saddex) qof ayaa sanadwalba gubata

3. Bangladesh,Colombia, Egypt iyo Pakistan 17% Caruurta gubata sikumeelgadh ayay neefo unoqdan halka 18% ay Caruurta naafadooda noqota mid joogta ah

4. 2008 inkabadan  410,000(Afar boqol iyo toban kun) qof ayaa laga diiwangaliyay USA

Maxa keena?

Gubashada waxa keeni kara:

  • Kul(heat)
  • Shucaac(Radiation)
  • RadiyoAktifiti(Radioactivity)
  • Korontada(Electricity)

Kiimikada(Chemicals)

Gubashada kulka(Thermal or heat burns) waxay dhacda marka unugyada(Cells) mise nudayasha(Tissues) jidhka lagu laayo:

1.Biyo Leh kulsare

2.Ayado lataabto shayleh kulsare

3.Olalka(Flame)

Maxa lagu aqoonsada?

Gubashada Burn

Calaamadaha bukaanku yeesho waxay kuxidhan tahay heerka (qiyaasta) gubashada(Degree of burn) mise sidu maqaarka usaameyay, waxa kamida:

1. Gubashada heerka 1aad (First degree burn):

Gubashada waxay gaadhsisan tahay maqaarka dushiida sare (Epidermis-lakabka 1aad), waxu bukaanku yeesha xanuun iyo Casaan(gaduud).

2. Gubashada heerka 2aad (Second degree burn):

Gubashada waxay gaadhsisan tahay maqaarka dushiisa sare (Epidermis) iyo qaybta hoos (Dermis-Lakabta 2aad). Waxu bukaanku yeelan kara Barar, Casaan, Xanuun mise maqaarka oo cadaan noqda, Biyo galeen.

3. Gubashada heerka 3aad (Third degree burn):

Waxay gubashadu gaadhsisan tahay lakabta duxda (Fat layer) oo kahoseya kan maqaarka, Hareeraha gubashadu waxa lagu arki kara Madow, Buni mise Cadaan.

Waxa dhici kara inay dareemayasha baaba’aan, waxu bukaanku yesha Kabuubyo.

Waxa macquul ah In ay maalin mise 2 maalin dib udhacan calaamadaha lagu aqoonsado gubashada heerkeeda sareya

Maxa lagu daweya?

Intabadani dadka way iskaga bogsadan ayagon xaalad caafimaad degdega lakulmin.

Waxay kuxidhan tahay heerka gubashada halka qaar kalana ay ubaahan yihiin xaalad caafimaad degdeg ah siloogu hortago qarta iyo dhimashada hadii ilaaheey ogolaado.

Gorman dhakhtar aadi kara?

Waxad ubaahan tahay adeeg caafimaad degdeg ah:

1. Hadii ay gubashadu saameyso wajiga, gacmaha, lugaha, barida iyo isgoysyada waweyn uu jidhku leeyahay(Major Joints)

2. Hadii ay gubashadu saameyso dhamaan lakabyada(Layers) maqaarka uuleyahay

3. Hadii ay hareraha gubashadu umuuqdan Madow, Buni

4. Gubashada keentay Kiimikada iyo korontada

5. Hadii ay neefta kugu dhagayso mise dhib kugu noqota

Side logu hortaga?

Sida ugu wanaagsan lagu yareen karo qatarta gubashada waxa kamida:

1. Ha ugu tagin Agabyada cunada lagu kariyo meel ay caruurta gaadhi karan

2. Marka aad cunada sameynayso iskafogeey caruurta

3. Hubi heerkulka cunada kahor intaadan caruurta siinin

4. Kafogeey caruurta  biyada heerkulkoda sareya

5. Ha xidhan dhar khifiifa xiliga cuna karinta

Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Gubashada hadii ladawenwayo waxa dhici kara:

1.Infakshan

2.Waxa luma dhecaanka jidhka

3.Waxa hoos udhaca heerkulka jidhka

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbin qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 13th/05/021

Updated on: 28th/01/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply