Cinwan Hosedyada
Guudmar/fakir guud
Faalig – Culeyska maskaxda adanaha celcelis ahaan waxa lagu qiyasa 1.5kg (Killogram), 100kii gram oo kamida nudayasha(tissues) maskaxda daqiiqadiiba waxu ubahan yahay 3.5 ml(Millileter) hawo an kala joogsi lahayn.
Magacan istarok(Stroke) micna ahaan waxa loogu jeeda joojin/kudhufasho, waayo waxu dadka ugu dhici kara si lamafilan ah.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxu faaliga kadiiwan galiyay sanad walba inu kudhaco dad gadhaya 15 milyan(million) aduun odhan. 5 million kamida way udhintan halka 5 million kale ay naafo kunoqdan.
Hadii maskaxda qayb kamida ay kago’do mise kayaradan qulqulka dhiiga waxu qofku galaya xaalad afkeena hooyo lagu dhaho Faalig halka afka qalaad lagu yidhahdo Istarok(Stroke), taana waxay nudayasha maskaxda(Brain tissues) ku keenta inay kuyaradan hawada iyo nafaqada. Waxay unugyada maskaxda bilobayan inay dhintan.
Waxu dhibanuhu ubahanyahay gargaar Caafimaad degdega, In lahela adeeg Caafimaad degdega waxay yareyn karta waxyeelada maskaxda gaar ahaan, unugyada siidhimanaya.
Nasiib wanaag, Faaliga intiisa badan dawo ayu leeyahay laakiin, dadka qaar waxu kaga tagaya naafo halka kuwa kale ay udhintan.
Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha lagu garto Faaliga waxa kamida:
1.Qofka inu dhib kunoqdo lahadalka mise fahanka dadka kale
2.Qofka inu wajiga kabuubyo kadareemo
3.Qofka inu Curyaan kanoqdo Gacan mise Lug (Intabadan waxay naafadu ubadan tahay haldhinac)
4.Qofka inu wax ka arki waayo hal mise labada indhood
5.Madax xanuun
Hadii aad Calaamadaha Faaliga isugu shakido mise ugu shakido qof kale Fadlan laxidhidh goob Caafimaad hana sugin intay calaamadaha kajogsanayan.
Waayo hal ibidhiqsi xita wayxisabsantahay, waxay qalqal galinaysa sokabashada unugyada maskaxda.
Side lodaweyo?
Ururka nashnal istarok(National stroke Association) kadhisan dalka Mareykanka waxay cadeynayan in 10% dad faaliga qaba ay sameyan sokabasho dhameystiran halka 25% lagu arko naafo aan saameyn badnayn(Minor impairments).
Waxa muhiim ah, in qofka sida ugu macqulsan loogu bilabo habka sokabsashada iyo bahnaninta(Recovery and rehabilitation). Meelaha ugu badan lagu sameynaya waxa kamida:
1.In dib lobaro hadalka
2.In laga saacido fahanka, caqliga iyo kalasaarida
3.In dib lotababaro dareemaha qaar
4.In loosameyo jimicsi
Maxa keena?
Waxa jira 2 qayb ugu waweyn keena faaliga, waxay kala yihin:
1.Inu xidhmo Marinka dhiiga – iskemic istarok(Ischemic Stroke)
Waa Faaliga nuucisa ugu badan, waxu dhaca markay yaradan mise xidhman qayb kamida dhuuman dhiiga usida maskaxda, Cilmi baadhis bilow ah lasameyay aya lagu sheegay in infakshanka COVID-19 uu keeni karo faaliga nuucan laakiin, ma’ahan cilmi baaris 100% laxaqijiyay.
2.Inu dillaaco Marinka dhiiga – Himorhejik istarok(Hemorrhagic stroke)
Waxu nuucani dhaca marku marinka dhiiga maskaxda uu dillaaco, waxa keeni kara waxyaaba badan sida:
1.Dhiig-karka
2.Xanuunada kudhaca Marinka dhiiga
3.Dhaawaca sida Shil gaadhi
4.Dawoyinka loqato yareynta xinjorowga dhiiga
5.Faaliga nuuca kobad – Iskemic istarok
Yaa unuglan kara?
Xanuunkani waxa unuglan kara sida:
1.Dadka buuran
2.Dadka ay kuyartahay jimicsiga
3.Dadka qaba xanuunada sida
- Sonkorowga/Macaanka
- Kalistarolka
- Wadna xanuun
- Infakshanka COVID-19
4.Dadka da’da ah >60
5.Xanuunkan waxu kubadan yahay raga marka labarbardhigo Haweenka
Hadii ladawenwayo maxa dhici kara?
Hadii ladowenwayo Faaliga waxu keeni kara:
1.Curyaan
2.Xusuus lumid
3.Niyad jab iyo walwal(Stress)
4.Xanuun
5.waxa luma isdaryeelida qofka
Side lagu hortagi kara?
Sida ugu wanaagsan logu hortagi kara xanuunkan waa:
1.In lajoojiyo cabida sigaarka
2.In Culeyska jidhka laxakameyo
3.Inu qofka Caafimaadkisa kantarool kusameyo sida inu checkup isku sameyo 6 bil mise sanad walba waa Hadii qofku aboodo.
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 28th/09/2020
Pingback: Idaha - Faa'idooyinka Caafimaad laga helo | Galolmedicine