Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Qabsinka waa caabuq kudhaco qayb kamida xiidmaha (Mindhiciryada) waweyn, xiidmaha waweyn waxuu leeyahay qayb yar ladhoho abendikis (Appendix), waxa uu caloosha kaxiga dhan midig xaga hoos una eg sida farta (Finger like structure).
Qaybtasi u eg sida farta, hadii uu kudhaco caabuq waxa afkeena hooyo lagu dhaha Qabsin halka afka qalaad lagu yidhahdo abendisaytis (Appendicitis). Qabsinka waa xaalaad caafimaad degdeg ah, una bahan dhibanuhu in laga qalo.
Xanunkani waxa uu kudhici kara da’kasta laakin, kumabadna caruurta da’dooda aykayartahay 2 jir, waxuu kubadan yahay dadka da’doda ay udhaxaysa 10 ilaa 30 sano.
T. Maxa keena?
Qabsinku waxu dhici kara marka abendikiska uu xidhmo, waxyabaha xidhi kara waxa kamida sida:
- Infakshanka(Infections)
- Dhagaxa
- Saxrada adkaatey
- kansarka (Cancer)
- Miraha(seeds). .
J. Maxey tahay calaamadaha lagu arko?
Calaamadaha lagu aqoonsado qabsinka waxay noqon kara sida:
1. Calol-Xanuun daran (waxu kubilowda sikadis ah, waxa kiciya qufaca)
2. Lallabo iyo matag
3. Qandho dhexdhexad ah laakin waykorodha hadii uu dhibanuhu helin daryeelki logu bahna.
4. Calol-istag mise shuban
5. Calol-barar
6. Dibiro
7. Dhuuso
F.G: Hadii aad qof ugu shakiso calaamadahan, fadlan laxidhiidh dhatarkaaga mise dhaqtarka kugu dhow sidaad ugu hesho talooyin iyo dawooyinka kuhaboon xanuunkan.
X. Maxan ugu hortaga?
Qabsinku malahan wax kahortag ah laakiin, waxa jira waxyaabo yarayn karo fursadaha uu kugu dhici kara xanuunkan, waxa kamida sida in aad isticmaasho cunada kubadan faybariska(Fibers).
Kh. Maxa dhici kara hadi ladowenwayo?
Hadii uu dhibanuhu helin daryeelki loogu baahna, waxa dhici kara:
1. Infakshanka in uu kubaaho caloosha
2. Dhimasho
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question)
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 18th/11/019
Updated on: 25th/06/2021