Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Injirta waa noole aad uyar aan katirsanayn xasharaadka/cayayaanka baalalayda ah(baalal lahayn), Cabir ahaan waxa lagu qiyaasa 2 ila 3 millimeters.

waxa lagu tiriya in ay kamid tahay noolaha Barasaayidka(Parasite), waxay jaceshahay in ay quudato dhiiga.

Injirta qaan gaadhka ah waxay kaliya noolata kudhowaad 30 casha laakiin, sifudud ayay kudhimaneysa hadii aykaso dhacdo halka ay saameysay sida madaxa mise tinka hoos. Nuuca dhediga(Female) waxay maalintii dhigta kudhowaad 6 ugxan(six eggs).

Injirta waxa afka qalaad lagu yidhahda Laaws(Louse), waxay leedahay ilaa 3 nuuc:

1.Nuuca lagu arko madaxa, waxa afka qalaad lagu dhaha Heed Laaws(Head louse),waxay gashaa/saameysa madaxa,Baalalka isha iyo sunyaha.

waxay leedahay erey cilmiyaysan lagu magacaabo Bidhikulas Huyumanas Kabitis(Pediculus Humanus Capitis)

Injirta

2.Nuuca lagu arko tinta hoos lagu magacaabo Biyubic Laaws(pubic laws), waxa kaliya lagu arka tinta hoos. Waxay leedahay erey cilmiyaysan lagu magacaabo Fayras/Siras Biyubic(Pthirus pubic)

Injirta

3.Nuuc kunoolaado dharka iyo sariirta, waxa afka qalaad lagu yidhahda Baadhi laaws(Body laws), waxay waxyelaysa maqaarka.

Sido kale waxay leedahay erey cilmiyaysan lagu magacaabo Bidhikulas Huyumanas Korboris(Pediculus Humanus Corporis)

Injirta

T.Side ayay kufidi/fafi karta?

Injirta waxay kufidi karta muda kooban, sida:

1.Inaad madaxaga kutabato madaxkale oo qaba injirta

2.Inaad qof qaba injirta lawadaagto waxyaabaha gaarka ah sida shanlada iyo sariirta

3.Hab-siinta

J.Maxan ku aqoonsada?

Calaamadaha lagu arko qofka leh injirta waxa kamida:

1.Cuncun saa’id ah

2.Waxa timaha laga dareema dareen ah xanxantayn(dhaqdhaqaq yaryar laga dareema timaha)

3.Waxa timaha dushooda mise dhexdooda lagu arka qandhicil(waxyabo sida qolofta, wa ugxanta injirta)

4.Waxa casaada/guduta maqaarka madaxa

X.Gorman dhakhtar aadi kara?

Intabadani injirta waxa la’iskaga saari kara ayado la’isticmaalo talaabooyin shakhsiyadeed sida:

In uu qofka isticmaalo shaampo uqaabeysan mise loogu talagalay inay disho injirta lana ogol yahay inuu qofka ka iisankaro farmasiyaha mise meelaha kale laga heli karo.

Waxaad ubaahan tahay inaad dhakhtarkaga lakulanto:

1.Hadii aad maqaarkaga ku aragto nabro

3.Hadii aad wax isbadel ah arki waydo kadib isticmaalida shaamboda

4.Hadii aad tahay hooyo uur leh

Kh.Side loga hortagi kara?

Way adagtahay in caruurta yaryar laga xakameeyo faafida injirta, kamana tarjumi karto in waalidka caruurta dhalay uu ka guuldareystay nadafadood guud, waayo caruurta waxay caado uleeyihin inay isdhexgalaan, ciyaraan, waxna wadaagan.

Waxad injirta caruurta loogu yareen kara:

1.Inaad caruurtada uqaabeyso inay kafogadan wadaagida waxyaaba qaar sida shanlada, koofiyada, iyo waxyaabaha kale tinta loo adeegsado

2.Inaad caruurta usheegto inaysan caruurta kale qabo injirta madaxa islagalin(iska ilaliyan inay madaxooda isgadhan)

Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 13th/04/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply