Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Hargabka doofaarka waa xanuun keena fayras lagu magacabo H1N1, waxa loogu abtiriyaa inuu kamid yahay fayrasyada infaluwensa (Influenza viruses). Xanunkan afka qalaad waxa lagu dhaha iswayin fulu (Swine flue), kaso kudhaca habdhiska neefsashada iyo cunaha.
Mararka qaarkod, doofaaradu waxay xanunkani ugudbiyan bini’adamka, gaar ahaan dadka caadeystay in ay guryahoda iyo beerahoda kudhaqdan doofaarada, uguna horeyan dadka aan diinta islaamka haysan(Gaalada). waa sababta kadambeysa in magacan loogu yedho hargabka doofaarka siloogu sooco hargabka caadiga ah.
Xanuunkan waxa marka ugu horeysa la’arkay sanada 2009ka, islamarkana noqday midkufida qaarado badan.
Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) waxay sanada 2010ka bisha August kudhawaqday in uu xanuunkan noqday Bandemik (Pandemic) oo micna ahaan noqonaysa marka xanunka lagu wada arko qaaradaha Aduunka oodhan.
T.Sidee ayu kufafi kara?
Xanunkan waxuu kufidi kara mudo yar laakiin, marka laga hadlaya sameyntiisa dhibato xoogan dadka umagaysto, waxa uu kugudbi kara sida:
1.Hadii toos lootabto dhecan kayimid doofaarka sida candhufta
2.Hadii uu dhibanaha qaba xanunkan hawada uraaciyo qofkale sida hindhisashada mise qufaca
F.G; Fayraskani abood umalahan in uu kunolado mudo badan oogo kabaxsan jidhka bini’adan.
J. Maxan ku aqoonsada?
Xilihuuriska waa 2 ila 3 malin, Calaamadaha lagu arko xanuunkan waxay iskudhowyihin kuwa Hargab caadiga ah, waxa kamida:
1. Qufac
2. Qandho
3. Qarqaryo
4. Madax xanuun
5. Cunoxanun
6. Indhaha in uu kabiyodo mise Casaada
7. Daal
8. Shuban
9. Lallabo iyo Matag
10. Duuf kada’a sanka
X. Side lodaweya?
Caafimaadkaga guud hadii uu fiicanyahay umabahnid inaad dhakhtar aado laakin, hooyada uurka leh (Pregnance) mise dadka isku og xanuunada sida macaanka(Sonkorowga), wadna xanuun iyo xanuno kale waxa wanaagsan in ay laxidhiidhan dhakhtarkoda mise dhakhtarka ugu dhow.
Kh. Yaa unugul?
Waxa unuglan kara dadka sida:
1.Dadka da’da ah
2.Caruurta kayar 5 jir
3.Dadka difaaca jidhkoda hooseya
4.Hooyada uurka leh
5.Dadka qaba sonkorowga iyo wadna xanunka
D.Siden ugu hortagi kara?
Qaabka ugu fiican ee la’isaga difaaco xanuunkani waa inaad qaadato talaal kaso laqaato sanadkiba halmar, sido kale waxa jira talaboyinkale lagu yaren karo fursadaha uu kugu dhici karo xanunkan, waxa kamida:
1.Inaad kudadaasho nadaafada gacantaada
2.Inaad iska ilaaliso meelaha dadka aykubadanyihin, gaar ahaan xiliyada xanunkan uu dilaaco
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 2th/12/019
Updated On: 03/07/021