Cinwan Hosedyada

Guudmar/Fakir Guud

Lafa beelida waa marka ay hoos udhacan Cufnanta(Density) Lafaha. Sida Caadiga ah, Lafaha Caafimaadka qaba waxay leeyihin daldalolyo umuqal eg sida Shumaca Malabka mise Kawarka (Honeycomb).

Hadii ay daldaloladasi noqdan kuwa cabirkoda korodha waxa afka qalaad lagu yidhahda Ostiyoborosis(Osteoporosis) Halka afkena hooyo lagu dhaho Lafa beel .

Lafabeelka waxu kordhinaya Cabirka daldalolada lafaha taa waxay caqabad kunoqoneysa abooda iyo cufnaanta lafta.

Hadii Dadka qaba lafa beelka iskudayan inay sameyan jimicsi waxa sahlanan kara inay sifudud lafahoda kujaban. Lafaha ugu badan jaba waxa kamida:

Jaantuska Qof gaboobay oo Baaskiil kaxaynaya
  • Feedhaha
  • Misgaha
  • Lafdhabarka

Bulshaweynta Caalamka kunool lab iyo dhedig wuu kudhici kara xanunkan laakiin, waxa aad ugu nugul Haweenka Cadaanka iyo Aasiyada(Dumarka qaarada Aasiya) kunol gaar ahaan, kuwa Caadada joojiyey.

Lafa beelida waxa loogu hortagi kara Dawoyin, Cunadda Caafimaadka leh iyo Jimicsiga.

Maxa lagu aqoonsada?

Bukaanka xiliyada hore wax Calaamado ah laguma arko laakiin, marka ay lafuhu beelaan abooda iyo Cufnanta Calaamada lagu aqonsado waxa kamida:

1.Dhabar xanuun

2.Dherer lumid(Mudo kadib dhererka(Height) aya hoos udhaca)

3.Jab(Sifudud ayay lafaha kujaban)

4.Qaabka xoodaaman(Qofka dhabarka hoos udhiga madaxa hore uqaada)

Kadaawo jaantuska hoos

Stooped Posture(Qaabka Xoodaaman)

Maxa keena?

Lafaha aadanaha waxay Caado uleeyahiin inay sijoogta ah usoo saaraan lafo cusub iskana saaraan lafaha gaboobay.

Qofka marku da’yaryahay wakhti yar bay qadanaysa sosarida lafaha taana waxay kordhinaysa abooda iyo cufnaanta lafaha.

20 jirka kadib, Degdega sameysanka lafaha hoos ayuu udhacaya, Dadka intoda badan abooda iyo Cufnaanta lafta halka ugu sareysa waxay gadhan da’da 30jirka.

Qofka inuu kudhaco Lafa beel waxay kuxidhan tahay abooda iyo Cufnaanta ukeydsan gaar ahaan, kuwa lakeydiyay xiliga 20 jirka kahor.

Abooda iyo Cufnaanta lafaha waalakala dhexla, sidokale dadyowga Caalamka kunool waykukala dubanyihin.

Yaa unuglan kara?

Waxa unuglan kara:

1.Haweenka marka labarbardhigo Ragga

2.Dadka da’da ah

3.Dadka qof kamida qoyskoda qaba Lafa beel

4.Dadka lafahooda liita

5.Dadka Cadaanka ah iyo kuwa kaso jeeda qaarada Aasiya

Waxa kalo unuglan kara

Jaantuska Unuglaan shaha
1.Hormonada Jinsiga

Hadii ay hormonada qaar hoos udhacan waxay keenan Lafa beel gaar ahaan, Haweeneysa marka ay caadada joojiso waxa hoos udhaca hormonka lagu magacaabo Istarojin(Estrogen) taana waxay fudeydisa inu kudhaca lafa beel.

2.Dadka ay kuyartahay Kalsiyamta(Calcium)

Qaadasha Kalsiyamta waxay muhiim utahay abooda iyo cufnaanta lafaha, Hadii ay jidhka kuyaraato waxay keenta Lafa beel.

3.Dawooyinka qaar

Dawoyinka lagu magacabo Kortiko istiroyid (Corticosteroid) hadu qofka mudo fog qaato waxay carqaladeyan habka cusboneysinta Lafaha deedna waxay keenan Lafa beel.

Side loogu hortagi kara?

Qaab ugu wanaagsan loogu hortagi kara Lafa beelida waa in laqaato Cunnada isudheelitiran iyo joogteynta jimicsiga.

Maxa dhici kara hadii ladawenwayo?

Hadii xanuunkani ladawenwayo waxa dhici kara Jab(Fracture) sida Lafdhabarka mise Misgaha. Waa qatarta ugu badan ay lakulman dadka lafa beelka qaba.

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr Mas’ud Sayed,

On: 28th/12/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply