Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Gowracato waa xanuun keena bacteeriya lagu magaaco kornibacteriyam difteeriya waana sababta kadambaysa in afka qalaad loogu yeedho magaca Difteeriya(Diphtheria).
Bacteeriyadan waxay leedahay sun(Toxin) awood u leh inay wax yeelo ugaysato nudayaasha jidhka bini’adamka, gaar ahaan kuwa cunaha iyo sanka.
Gowracatadu waxaa lagu tiriyaa xanuunada ugu badan ee caruurta aylaxanuunsadan mise ladhintaan, Sanada 1613ka xanunkan waxuu kufiday dalka Spain sidaa daraadeed sanadkasi waxay ulabaxeen El Ano De Los Garrotillos looguna jeedo sanadkii Ceejinta (The year of strangulations), sababtuna tahay markay bacteeriyada waxyeelo ugaysato cunaha,sanka iyo qayb kamida hawamareenada ayaa qofka waxuu noqonayaa sida qof laceejinaaya.
Sanada 1883ka, dhakhtar udhashay dalka Germalka laguna magacaabo Theodor Albrecht Edwin Klebs (Edwin Klebs) waxuu ogaaday xanuunkan in ay keento bacteeriya kuna magacabay Klebs loeffler bacterium laakin mudo kadib ayaa loobadalay magacan difteeriya(Diphtheria)
B) Side ayu kufidi kara xanunkan?
Sida aykufaafto Gowracatadu waxa kamida:
1. In uu dhibanaha qaba cudurkan hawada uu raaciyo qofkale sida hindhisashada ama qunfac oo kale
2. In lataabto dhecaan mise candhuuf qof horey uqabay uu meel kutufay
T) Yaa unuglaan kara?
Gowracadu waxay aad ugu badan tahay dalalka sookorayaa oo aan heysan mise isticmaalin talaalka, Waxaa unuglaan kara sida:
1. Ciyaalka da’dooda aykahooseysa 5 jir
2. Dadka da’da ah sida 60 jir
3. Dadka aan qaadan talaalka loogu talagalay
4. Hadii aad usafarto dalalka sookoraya adiga oon istalaalin
J) Maxan lagu arka dhibanuhu?
Calaamadaha lagu garto waxa kamida sida:
1. Qandho
2. Qarqaryo
3. Qanjidha qoorta oo barara
4. Qufac daran oo samaynaya codgaar ah
5. Cuna xanuun
6. Dhareer badan
Waxaa jira Calaamado kale oo lagu arki karo sida:
1. Wax laqitaanka mise Neefsashada oo dhibkunoqota
2. Araga mise Hadalka oo isbadala
X) Sidee loo daweeyaa?
Fadlan laxidhiidh Dhakhtarkaaga waxuuna sidegdeg ah udaweendoonaa xanuunkan Kuna qori doona dawooyinka kuhaboonaa insha’allah.
Kh) Sidee logu hortagikaraa?
Xanunkan waxan ugu hortagi karnaa anaga oo isticmaalna talaal waayo waxaa jira talaal loogu talagalay oo ay isku guruub yihiin kan jadeecada iyo Hiiqdheerta.
D) Maxa dhici kara hadii ladawenwayo?
Hadii uu bukaanku heli waayo daryeel caafimaad waxaa dhicikara inay sunta kufido jidhka intiisa kale sida:
1. Sambabada
2. Kalyaha
3. Wadnaha
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan nogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 4th/09/019
Updated On: 04th/09/021