Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Jaardiya waa xanuun magacii, dhaliya noole lagu magacaabo Barasaayid gaar ahaan noociisa jaardiya laambiya(Giardia lamblia).
Sido kale waxa logu yedha jaardiya intestinalis(Giardia intestinalis) mise Jaardiya dudinalis(Giardia duodenalis). waxuu kudhaca xiidmaha/mindhicirada yaryar(Small intestines).
B. Side ayu ugudba?
Waxa la’isugu gudbinkara ayado xiriiir toos ah loolasameeya qof qaba xanuunkan mise in la’isticmaalo cuno/ Biyo wasaqaysan.
T. Yaa unugul?
Xanunkan cidkasta ayuu kudhici karaa laakin waxaa unuglaan karaa dadka sida:
1. Waalidka carurtoda kabadala xafayada
2. Caruurta kusugan goobaha lagu xanaaneeyo
3. Dadka lanool qof qaba xanuunkan
4. Dadka nadafadoda liidata
5. Dadka usafra meelaha laga hela xanuunkan
J. Maxan ku aqoonsada?
Xilihuuriska xanuunkani waa inta udhaxaysa 7 ila 10 maalmod, Calaamadaha inta badan lagu arko waxay noqon karan sida Shuban(Xiliyada hore waa sida biyaha oo kale, kadib waxuu yeelanaya ur ugaar ah) , Dibiro, Calol-xanun, Lalabo, Fuuqbax, Miisanka oo hoos udhaca, Qandho(Intabadan laguma arko).
X. Side lodaweya?
Fadlan laxidhidh dhakhtarkaga ama dhakhtarka kugu dhow, hadii aad isku aragto calamadahan si’ad ugu hesho taloyinka iyo dawoyinka kuhabon.
Kh. Siden ugu hortagi kara?
Xanunkani malahan wax talal ah laakin waxa jira talaboyin yareynayo fursadaha qof uu ugu dhici lahaa, waxa kamida:
1. Inaad isticmaasho cuno iyo biyo nadiif ah
2. Inaad gacmaha iska dhaqdo suuliga kadib ugu yaraan 15 ilbiriqsi
3. Inaad kudadaasho nadaafada suuliga
4. Inaad iska ilaaliso lawadaagida qofkale sida Tuwaalkaaga/Shukumaniga
5. Inaad iska ilaaliso cunada aan sificaan loo Karin
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 18th/09/019
Updated on: 9th/03/2021