Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Sigaarka Tubakada laga sameyo aya laga hela Nikotin(Nicotine). Nikotin waa kiimikada dadka sigaarka caba kuriixda inay joogteyan oo maalin walba raadiyan Sigaar, Sabab!!!!!

Sababtu waxay tahay in kiimikadani maskaxda kuyeelanayso Sameyn farxad gelin kooban sida dareeded, waxa badaneysa in qof caba sigaarka uu dhowr xabo isticmaalo maalinti.

Waayo farxada uu karadinayo aya kooban marka waa in sigaar kale lagu xoogiya.

Smoking addiction Pic

Waxa ay Nikotin Il beriqsi gudahooda ku gaadhi karta Maskaxda kadib marku qofku halmar sigaarka jiiddo(One time puff).

Waxay sare uqaadeysa inay maskaxda sodeyso kiimikada Niyurotaranis-mitaris(Neurotransmitters) oo mas’uul ka ah xakameynta Niyadda iyo dabeecadaha.

Maxa ku kiciya iney sigaar Cabban?

Dadka sigaarka Isticmaala xiliyada ugu badan ku kiciya inay sigaar cabaan waa:

  • Xiliga ay Kafega cabayaan
  • Xilga ay gaadhiga kaxeynayan
  • Xiliga ay shaqada kaso baxan
  • Xiliga ay asxaabtoda lakulmayan

Sido awgeed, qofka raba inu iska joojiya Cabidda Sigaarka waa inu aad ugu fogada xiliyada iyo waxyabaha ku kicin kara

Guud ahaan, Xaqiiqdu waxay tahay in Sigaarku waxyeleyo Caafimaadka taana waa run qofwalba ogyahay xitaa dadka sigaarka caba. Waxu dhibateya:

1.Sambabada

2.Wadnaha

3.Maskax iyo xubno kalo badan

Inaan Nikotin ku qabatimobey maxan ku aqoonsada?

Smoking addiction

Calaamadaha lagu aqoonsado marku qofka qabatin kunoqdo Nikotin:

1.Inu qofka dhib kunoqdo in sigaar cabidda uu joojiyo

2.Hadu qofka isku dayo in uu joojiyo waxu yeelanaya:

  • Kacsanaan
  • Baqdin
  • Diirad la’aan(Ma aboodo inu wax dhageysato)
  • Hurdo la’aan

Yaa unuglan kara?

Waxa unuglan kara:

1.Dadka da’da yar waayo hadii aad qof sigaarka cabba kudhahdo gormad bilowdey Sigaar waxu kudhahayo markan yara!

2.Dadka had iyo jeer lagu ag cabbo sida Caruurta kuso dhexbarbaara waalidka sigaarka caba.

3.Dadka isticmaala waxyabaha kale laga helo nikotin mise Tubakada nuucyadeeda kala gadin

4.Dad Cadaadiska(Stress) iyo walwalka badan

Maxa dhici kara hadi lajoojin waayo?

Hadii Cabbida sigaar la joojin waayo waxa dhici kara:

1.Kansarka Sambabada iyo kansarada kale adanaha kudhaca

2.Wadna xanuun

3.Macaan

4.Xanuunada kudhaca ilkaha iyo Afka

Gorman dhakhtar aadi kara?

Marka uu qofka go’aan sado inu joojiyo sigaarka, isku dayada hore waxay ubadan tahay inu ku guul dareysto.

Waayo Qabatinka laga qaado Nikotin waa mid xoog badan hal isku day kuma filna.

Laakiin, hadii qofka uu yahay ruux go’aansadey oo sidhab ah udadaalo Ilaaheey talo saarto waa hubaal inu guuleysanayo.

Waxad kalo ubaahan tahay dhakhtar kucaabiyo oo kugu caabiyo hayaanka kaso kabashada Cadaadan xun, Sidad ugu helo dawoyinka iyo Talooyinka kugu haboon.

Hadii ay jiran Su’al fadlan noogu soogudbi qaybta Sualaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 28th/08/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply