Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Qabatinka waa marka ay nidaamka maskaxda iyo jidhkaba beelaan mise hoos udhac kuyimado abooda xadidinta waxyaabaha qofka dhib ukeeni kara.

Hadii sikale loodhigo waa inuu qofku kuxidhnado isticmaalida sida daawoyin,dhaqamo mise fakir kuyeelanayo saameyn taban (Negative Effects).

Waxa afka qalaad Qabatinka lagu yidhahda Adikshan(Addiction) laakiin, gudi khubaro ah kana tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka(WHO) waxay sanada 1964ka isku raaceen in Ereyada Adikshan iyo Habijuweshan lagu baddelo Dibendens Sindarom (Dependence Syndrome) sababtuna aykutilmamen in uu Ereygani kulansanayo dhamaan waxyabaha Qabatinka keena mise fudeydiya.

T.Qabatinka nuucyo maleeyahay?

Qabatinka waxa uu leeyahay nuuc lagu magacabo Sabistansi Adikshan(Substance Addiction) micna ahaan loogu jeedo Qabatinka Mukhadaraadka, Waa dadka Qabatin kunoqday mukhadaradka sida:

1.Tubaako/tabaako sida sigaarka

2.Obiyoyid(Opioid) Waxay kamid tahay dawoyin lagu yareyo xanuunka aadka udaran, Lama ogola in lagu iibiyo farmashiyaha

3.Kokenta(Cocaine)

Sido kale waxa jira nuuc laga magacaabo Biheyforal Adikshan(Behavioral Addiction) nuucani waxa uu laxidhidha dabciga qofka, waxay caado kadhiganayan sida:

1.Qamaarka

2.Daawashada Filimada xun, gaar ahaan kuwa laxidhidha Galmada

3.Isticmaalid xadxaaf ah sida Baraha bulshada, Shobinka iyo Cunada

 J.Maxan ku aqoonsada?

Calaamadaha guud, dadka Qabatinta qaba lagu arki karo waxa kamida:

1.Waxa yaraada inay sameeyan dhexgal bulsheed

2.Waxa yaraada mise luma inay nafsadooda kantarolan

3.Waxa  hoos udhaca inay nadaafadoda kudadaalan

Dadka leh Qabatin(Addiction), waxa sido kale shakhsiyaddoda kudhaca isbedel sida:

1.waxay kaxiiisa dhacaan waxyabaha noloshoda ugu muhiimsana

2.Waxay dayacaan dadka udhow sida Aabbe, Hooyo, iyo caruurtoda

3.Waxay iska dhega tiraan qatarta uu leeyahay waxay Qabatin kunoqden

4.Waxa isbed bedela niyadoda sida degdeg ayay kufarxan mise Caroodan/xanaaqan

Calaamadaha lagu arko dadka go’aansaday inay iska joojiyan waxay Adikshan kunoqden waxa kamida:

1.Baqdin/Cabsi

2.Kacsanaan

3.lallabo

4.Matag

5.Rabitanka cunada oo hoos udhaca

6.Gariir

7.Daal

X.Side lodaweya?

Waxa  jira qaabab kala duwan lagu daweyo sida:

1.Qofka in loosameeyo latalin joogta ah, haday noqoto mid laxidhidha dabeecada iyo qaab nololeedka

2.Inuu qaato dawooyin

3.In sijoogta ah loo xakameeyo waxkasto fudeydinaayo inuu dib ugu laabto

Kh.Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Qabatinka hadan qofka laga saacidin in laga daweyo, waxa kadhalan kara natiijoyin aan fiicnayn waxa kamida:

1.Infakshan joojta ah

2.Wadna xanuun

3.Baqdin, walwal iyo walbahaar joogta ah kuna keeni kara inay nafta isdhafiyan

Bulshada somaaliyeed waa bulsho ilaaheey kumanadaystay Diinta islaamka, adigo kuxidhnada salaada,akhrinta Qur’anka iyo bixinta sadaqada waxay kudhexalsineysa farxad iyo rajo fog kaana ilaalinaysa xanuunada sida walwalka iyo walbahaarka.

Hadii ay jiran su’alo laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 16th/03/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply