Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Oofwareen waa caabuq kudhaca habdhiska neefsashada gaar ahaan sambabada, waxa afka qalad lagu yidhahda Numoniya (Pneumonia).

Ereyga Numoniya waxa laga soguriyey luqada gariiga, micna ahaan laga wado Sambab(Lung), Somaalidu waxay kalo xanuunkan ugu yeedha Jeeniwareen mise Wareento.

Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxa uu diiwaangaliyey in ay wareentadu tahay infashanka kaliya ee ugu balaaran caruurta ay udhintan dunida oo idil. Sanada 2017ka, xanuunkani waxa udhintay caruur gadhaya 808 694 waxayna caruurtasi ahayd kuwa da’doda ay kahoseyso 5 jir.

Oofwareen(Wareento)

Sikale hadii loodhigo, wareentada waxay 15% kanoqoneysa dhamaan dhimashada Caruurta da’doda ay kayartahay 5jir. Xanuunkan waxu saameyn kuyeelan kara cidkasta laakin, waxa aad ugu badan dadka kunool qaaradaha sida Asia iyo Africa.

T.Maxa keena?

Wareentada waxa keeni kara sida Bakteeriya (Bacteria), Fayruus (Virus) iyo Fangas (Fungi) laakiin, waxa intabadan keena waa Bakteeriyada lagu magacaabo Istarebtokokas Niyumoniya (Streptococcus Pneumonia).

Sanada 1881kii, Dhakhatiir udhashay dalka faransiiska iyo Maraykanka lagukala magacaabo Louis Pasteur iyo George Sternberg aya ogaaday inay Bakteriyadan xanuunkan keento.

F.G: Infakshankan waxa uu caabuqkukeenaya hawamarenada kuwoda yaryar lagu magacabo Alfiyola(Alveoli).

J.Side ayu kufidi/faafi kara?

Xanuunkan waxa lagu kalagudbin kara siyaabo kaladuwan, waxa kamida:

1.Hindhisashada

2.Qufaca

3.Ayado silamafilan ah lotaabto dhecaan mise candhuuf qof horey uqabay meel kutufay

X.Wareentada nuucyo maleedahay?

Oofwareentada waxay leedahay nuucyo kala duwan laaakiin, Marka laga hadlaya nuucyada ay leedahay siyaabo kaladuwan ayaa loqaybiya, anago kusaleyneyno haldhinac waxa looqaybiya ilaa 4 nuuc:

1.Hosbital Akuwayred Niyumoniyada(Hospital Acquired Pneumonia)

Nuucani waxa laga qaada cusbitalada

2.Komyuniti Akuwayred Niyumoniyada(Community Acquired Pneumonia)

Waa nuuca laga qaado bulshadad lanooshahay

3.Fantaletar Asosiyeted Niyumoniya(Ventilator Associated Pneumonia)

Dadka waxay nuucani kaqaadan marka ay isticmalayan qalabka hawada(Oxygen)

4.Asbayreshan Niyumoniya(Aspiration Pneumonia)

Wareentada nuucani waxay dadka kaqaadan marka ay cuno, biyo mise candhuuf udhaafan/galaan Sambabada.

Kh.Maxan ku aqoonsada?

Oofwareen

Calaamadaha lagu garto oofwareentada waxa kamida:

1.Qufac(Waxa lasocon kara dhecaan/xaako)

2.Qandho

3.Laab/xabad xanuun

4.Qarqaryo

5.Dhidid

6.Hawa/neef kudhagid(Waxa dhib kunoqda neefsashada)

7.Daal

8.Rabitaanka cuno oo hoos udhaca

9.Lalabo mise matag

10.Madax xanuun

N.B. Calaamadaha waxay kubiloban karan sikhafiif ah laakiin, waykasi dari karan, waxa dhici kara in uu qofku galo xaalad degdeg ah.

Ciyaalka yaryar waxa macqul ah, in aan lagu arag waxa calaamada ah laakiin, waxay yeelan kara sida Qandho, Qufac iyo inay umaqdan kuwa daalan, waxa kalo dhibkunoqda neefsashada iyo inay wax cunaan mise cabaan.

D.Gorma ayan dhakhtar adi kara?

Waxad ubahantahay in aad lakulanto dhakhtarkaga mise dhakhtarka kuugu dhow hadii aad isku aragto:

1.Inay neefta kugu dhagayso

2.Xabad xanuun

3.Qandho joogta ah

4.Qufac joogta ah gaar ahaan marka ay xaakadu leedahay maal(Pus)

R.Yaa unugul?

Oofwareen

Xanuunkani waxa unuglan kara:

1.Dadka da’da ah (Inkabadan 65 jir)

2.Ciyaalka da’dodu ay kayartahay 5 jir

3.Dadka difaaca jidhkooda hoseya

4.Dadka dawada uqaata xanuuno kale sida Kansarka

5.Dadka caba/isticmala sigaarka

S.Maxa loga hortagi kara?

Oofwareentada waxa looga hortagi kara:

1.Talaal

Waxa jira talaal la’isaga difaaco qaar kamida nuucyada ay leedahay wareentada laakiin, waxa wanaagsan in aad dhakhtarkaga lakulanto kahor intanad qadan waxa talaal ah.

Waxa kalo jira talaalo kaladuwan lasiyo ciyaalka inta udhaxaysa da’da 2 ila 5 jir.

2.Kudadaal Nadaafada
3.Kafogow Cabidda sigaarka
4.Sare uqaad difaaca jidhkaaga

Sh.Maxa dhici kara hadi ladawen wayo?

Hadii ladawenwayo xanuunkan waxa dhici kara:

1.Infakshanka inuu dhiiga raaco

2.Naqas kudhagid

3.Waxa biyo ku urura sambabada

Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha(Aska Question)

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On 03th/02/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply