Cinwan Hosedyada

B.Maasgarada Qaliinka(Surgical Mask)

Maasgarada – Afxidhka qaliinka waxu leeyahay afargees iyo laablaab(Folds), qaab ahaan wuu simanyahay, waxu kalo leeyahay laastika(Elastic) qofka ufudeydinayo inu dhegta mise madaxa gadashisa kuxidho.

Waxa logu talagalay in marqudha la’isticmalo lanatuuro, waxa la’iskaga daboola Afka, Sanka iyo gadhka, una dabosha sikhafiifa(aan saa’id ugu dhagnayn). Waxa lo’isticmaala:

1.In qofka xidhan ay kadifaacdo sida saydhinta mise dhibco buyoodka waweyn kuwa infakshanada

2.In lagu xakameeyo xanuunada hawada laga kalaqaado sida qofka xidhan inu xanuunka ugudbiyo qofkale

F.G: waxan lagu xakameyn Karin dhibco biyodka yaryar kuwa infakshanada iyo inay hawada dhinacyada kaso galikaran.

T.Maasgarada N95(N95 Mask)

Maasgarada N95(Non-Oil  95% Mask) waxay wajiga uqabata sifiican marka labarbardhigo kan qaliinka, waxay usameysantahay qaab wareeg ah, waxay sidokale leedahay laastiko ufudeydinayso inay sifiican wajiga udaboosha. Qaar kamida nuucyada N95 waxay leeyihin dalool lagu neefsado, waxay yeeshan kul iyo qoyaan aan badnayn.

N95 waxay yeelan karan cabir kala duwan laakiin, waxa muhiim ah inaad iska hubiso cabirkaga saxda ah kahor ina aadan soo iibsan, iskana hubiso inay sifican wajigaga udabooli karan.

F.G: Waxa loga hortagi kara dhibco biyoodka yaryar kuwa infakshanada.

Akhriste, Waxad ogaata:

1.Maasgarada qaliinka kaama difaaceyso coronavirus laakiin, waxa lagu xakameyn kara in lagu yareeyo in uu  fayraska qofkale ugudbo

2.N95 waxa logu hortagi kara infakshanada sida Coronavirus laakiin, Qaabka mise talaaboyinka ugu wanaagsan loogu hortagi karo COVID-19 waa:

1.Inaad kafogaato meelaha dadka ay kubadan yihiin

2.Marka aad qufaceeso isticmaal tish/tissues, mise kudabol xusulka/suxul

3.Cunada kahor, suuliga kadib, Kudhaq gacmahaaga saabuun ugu yaraan 20 ilbidhiqsi

4.Gacmahaaga aan dhaqnayn ka ilaali inaad kutaabato indhahaaga, Sankaaga iyo Afkaaga

5.Hadii aad heli karto agabyada yaala gurigaaga u isticmaal jeermis dile

Aynu ilaaheey ulaabano, barino inuu dambigeena dhaafo, Guud ahaan dunidana kadulqaado xanuunkan, gaar ahaan dalal muslimiinta ah.

waxad Su’alaha kuso gudbin karta(Ask Question)

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 2th/04/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply