Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Fayraska/fayruuska kadilacay dalka shiinaha (China) gaar ahaan, gobolka Hubei Caasimada Wuhan, waxa la aqoonsaday in uu katirsanyahay familka Koronafayras – Coronavirus family (Waa koox fayras ah, Waxa kamida fayraska keena dureyga/Hargabka).
laakiin, wali aqoon dhameystiran lagamahaysto nuucan cusub ee kadilaacay dalkaasi, waxa sikumelgaar ah loogu magacabay Fayraska 2019 nofal koronafayras (2019 novel Coronavirus -2019nCoV) ayado wali aysocdan dadaalo (Baaritanada) lagu ogaanayo waxa uuyahay.
Bisha December sanada 2019, waxay ahayd marka ugu horeysa fayraskan Dalkasi lagu arko , waana Sababta kadambeysa in magacan 2019nCoV KMG loogu yedho.
Guddiga Caafimaadka Qaranka dalka shiinaha (China’s National Health Commission) ayaa xaqiijiyey in xanuunkani la isu gudbin karo(Sida kan hargabka) iyo qaarkamida dadka kashaqeya goobaha caafimaadka ay xanuunkan la ildaranyihin.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) ayaa xanuunkan kucabiray in qatartu ay aad ugu badantahay dalka shiinaha, Gobol ahaan iyo dunida odhanba. Dowladdaha dunida badidoda ayaa iskudayaya inay celiyan muwadintooda ka’imanaya gobolka Hubei.
T.Ila inte ayu fiday/Fafay?
31 December 2019ka ayaa Ururka Caafimaadka Aduunka lagu wargaliyay in 44 kiis oofwareen ah lagahelay Caasimada Wuhan. Waxa sidokale ladiiwangaliyay in bukaanada intooda badan uu xanuunkoda xidhidh lalaha cunada badda(Seafood) gaar ahaan, suuqa lagu iibiyo cunada badda Huanan ee koonfurta shiinaha. 1da january-2020 ayaa albadada la’isulabay suuqa Huanan silooxiqiijiyo guud ahaan nadaafada suuqa iyo sida looga saarilaha infakshanka.
9th January 2020 waxay Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) kudhawaaqday in la’aqoonsaday fayras cusub aan horey bini’adan lagu arag kadib, markay bukaanada kusamaysay baritaano, waxay baaritaanada xaqiijiyeen in fayraskan aanu ahayn mise kasaaren fayrasyada sida:
1.SARS-CoV(Severe Acute Respiratory Syndrome),
2.MERS-CoV(Meddile Ease Respiratory Syndrome)
3.Influenza
4.Avian influenza iyo kuwa kale
28th janaury 2020 Guddiga Caafimaadka Qaranka ee dalka shiinaha (China’s National Health Commission) waxay diiwangaliyay in 30 gobol katirsan dalka shiinaha laga helay faraskan, waxa lana xaqiijiyay 5,974 kiis halka kuwa laga shakiyay ay gadhayan 9,239 kiis.
Dadka fayraskan laga helay badidooda waxay kasoo jeeden gobolka Hubei. Xanuunkan waxa udhintay 132 qof laakiin, waxa laga cabsi qabaa inay tirada intasi sare udhafto.
Inkabadan 70 kiis, ayaa laga xaqijiyay wadamada sida:
1.Jarmalka(Germany)
2.Sirilanka(Sri lanka)
3.Kambodiya(Cambodia)
4.Kanada(Canada)
5.Maleysiya(Malaysia)
6.Ostareliya(Australia)
7.Nebal(Nepal)
8.Faransiska(France)
9.Maraykanka(USA)
10.Singabur(Singapore)
11.Vidnam(Vietnam)
12.Kuriya(Republic of Korea)
13.Japan
14.Taylan(Thailand)
N.B:Wax dhimasho ah lagama sheegin meelkaxsan dalka shiinaha.
J.Maxa lagu aqoonsada?
Xilihuuriska xanuunkani waa inta udhaxeysa 2 ila 10 casho kadib marka uu qofka fayraska sogadho, dhibanaha waxa uu yeelanaya calaamada sida oofwareenta(Pneumonia), Calaamadaha lagu arkay dadka fayraskani uukudhacay waxa kamida:
1.Qandho 98%
2.Kufac 76%
3.Daal mise murqo xanuun 44%
4.Xaako 28%
5.Madax xanuun 8%
6.Qufaca dhiig lasocda 5%
7.Shuban 7%
Calaamadaha ugu horeya(3da hore) waa kuwa ugu caansan ee bukaanadu yeshen halkan, qaarka kalena ay yihiin kuwa aanbadnayn in lagu arko.
X.Maleyahay dawo iyo talal?
Talaal iyo Daawo laxaqiijiyay malahan.
[ratings]
Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu sogudbin qaybta su’alaha (Ask Question)
mahadsanid,
Galolmedicine,
On 29th/01/2020