Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Sangoror Waa xaalad sanka lagu arkayo dhiig. Sanka jidhka aadanaha waxu kaga yaala qayb hodan ku ah dhuumanka dhiiga qaada (Blood vessels).

Sida owgeed, Waxa sahlanaan kara inay dhaawaci sogadhan kadibna dhiigo(dhiig lagu arko). Hadii sanka lagu arko inu dhiig kaso dadanayo waxa luqada hooyo lagu yidhahda Goror mise San-goror.

Halka afka qalaad lagu yidhahdo Ibistaksis mise nos baliidhin (Epistaxis/Nosebleeding).

Dadka ilaa 60%, waxa la ogaaday in noloshooda maalin kamida ay isku arkeen gororka.

6% aya laga yaaba inay ubaahdan gargaar Caafimaad

Sanka in lagu arko dhiig waxay qofka kubeeri karta baqdin laakiin, Xaqiiqda aya ah in gororka inta badan lahayn qatar.

Nuucyo maleyahay?

Gororka waxa uu leeyahay 2 nuuc waxay kala yihiin:

1. Gororka qaybta hore

Gororka qaybta hore Waxu dhaca hadii dhuumanka dhiiga sanka qaybta hore kaga yaala ay dhaawaci sogadhan.

2. Gororka qaybta dambe/gadaal

Gororka qaybta dambe sido kale waa markay dhaawaci sogadhan dhuumanka dhiiga qaada qaybta dambe.

Waxa uu dhiiga usii daagani kara qaybta dambe deedna,  waxu ugudba cunomarenka/hunguriga.

F.G: Nuucani waxu qatar galinkara caafimaadka qofka

Maxa keeni kara?

Sangoror(Gororka)

Gororka waxa keeni kara waxyaabo badan laakiin, waxyaabaha ugu caansan waxa kamida:

1. Hawada qallalan

Hawada qallalan waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan keeni kara gororka, waxay qalayl kadhigta xuubka sanka.

Xuubka qaleylka ah waxu qofka kukeeni kara cuncun kadibna uu xoqo, hadii xuubka sanka xoqitan loogu saaro waxu keeni kara San-gororka.

Waxa jira dawoyinka qaar keeni kara san qaleyl sida kuwa lagu daweyo xasaasiyada (Allergic) iyo Sanboorka.

Hadii qofku qaato Aspirin kabadan xadiga logu talagaley waxu kukeeni kara gororka iyo dhiigbax guud ahaan jidhka.

2. Dhaawac sogadha Sanka

Dhaawaca waxa uu sanka kaso gadhi kara dibadda mise guddaha, dhawacyada waxa kamida:

  • Jabka(fracture)
  • Kiimikada(Chemicals)
  • Sanka inu xidho shay(Foreign object)
3. Waxakalo keeni kara:

Hindhisashada sonoqnoqata

Dhiig-karka

Xanuunada kudhaca xinjirowga dhiiga

Kansarka

Side lodaweya?

Gororka intoda badan umabaahna wax dawo ah, iskoda ayey iskaga bogsadan mise ayado laraaca talaaboyin waafaqsan gargaarka degdega ah sida:

1. Inu qofka istaago kadib horey iskuxodamiyo(forarsado)

Siloogu hortago dhiigbax badan, qofka inu istaago/joogsado waxay xididada sanka kayareysa cadaadiska halka xodaminta ay qofka ka’ilaaliso inuu dhiiga udaadago Cuno-mareenka.

2. Adeegso farta murdisada iyo suulka kadib kucadaadi labada dhinac sanka gaar ahaan qaybta jilcan,waxaad kaneefsata afkaaga.

3. Hadii uu dhiiga istaagi waayo kuceli, waxad wadaysa ilaa 15 daqiiqo

Waxa lobahanyahay daryeel Caafimaad degdeg ah hadii gororka uu yahay:
Sangoror(Gororka)
  • Mid dhacay shil gaadhi kadib
  • Mid ay lasocoto hawo qaadasho cidhidhi leh(Naqas kudhagid)
  • Mid leh dhiig badan mise dhiigbax inkabadan 30 daqiiqo, ayado lacadaadinayay halku dhiiga kasocdo

Fadlan laxidhidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow hadii gororka kugu sonoqnoqnayay in mudo ah

Kahortag maleyahay?

Gororka waxa looga hortagi kara:

1. Adigo isticmaala Vasalin, gaar ahaan xiliyada qaboobaha

2. Inaad Caruurtada kayaryareyso Ciddiyaha

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan hawaaban inaad noogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On:13th/07/2020

Updated on: 4th/01/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply