Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Malaariya waa xanuun infakshanka ah, waxa keena noolaha Barasaayit(Paraside) nuucisa Balasmoodiyamka.

Bini’aadanka waxay ugu gudbikarta ayado kanecada nuuca dhadiga ah lagu magacabo Anofalis(Anophelis) oo horey ugusoo sumowday Barasaayidkan ay raaciso kanaalada dhiiga Bini’adanka.

Barasaayitka (Paraside) nuuciisa Balasmoodiyamka waxu leeyahay qaybo gaaraya ilaa 5 nuuc, waxay Bini’adamka ukeeni karan xanuun laakin, kuwa ugu badan xanuunka kudhaliyaa waxa kamid ah:

  • Balasmoodiyam Falsibaram(P.Falciparum)
  • Balasmoodiyam Fifakis(P.Vivax).

Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxay diiwan galiyen 2017ka bukaanada ay kudhacday malaariyada kuwa qaarada Africa  99.7% in ay ahayd nuuca Balasmoodiyam Falsibaram.

Dalka Soomaliya waxay WHO kadiiwaan galisay in 2010ka Bukaanada malaayida ay kudhacday gaadhayan ilaa 9500 bukaano halka 2006da ay bukaanadu ahaayeen ilaa 49000.

Sida labada warbixin ay kamuuqato in 2010 Duumadu aad uyaraatay marka labarbardhigo 2006da taa oo lagu sababeeyay in ay dadka kubararugen isticmaalka:

1. Mara-Kaneecada

2. Sunta-Kaneecada

Waa maxay calaamadaha lagu arko bukaanka?

Malaariya

Xilihuuriska Duumada waa 10 malmo ilaa 4 asbuuc(Toddobaadyo) kadib markay kaneecadu ugudbiso xanuunka, calaamadaha ugu caansan waxa kamid ah:

1. Qarqaryo

2. Qandho

3. Dhidig waliba saa’id ah

4. Madax Xanuun

5. Yalaalugo(Lallabo)

6. Matag

7. Calool xanuun

8. Dhiig yaraan

Fadlan calaamadahan qaar kamid ah hadaad isku aragto wargali dhaqtarka kugu dhow.

Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Hadi malaariyada ladaween waayo waxaa dhicikara sida:

1. Maskax Barar bukaankana kukeeni karta dhimasho hadii sida ugu dhaqsiyaha badan ladaaween waayo

2. In ay sambabada ku ururaan biyo

3. Beerka iyo Kalyaha in ay shaqadoodi gabaan ama ay shaqeen waayaan

4. Dhiig la’aan

Side logu hortagi kara?

Duumadu malahan wax talaal ah laakiin, hadii aad dooneyso inaad usafarto meel ay kubadan tahay malaariyada waxa wanaagsan inaad dhaqtarkaaga laxidhiidho sidad ugu hesho dawoyin iyo taloyinka kugu habon.

Hadii ay jiran su’aal laxidhidha Maqaalka Fadlan nogu sogudbi qaybta su’aalaha(Ask Questions).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On 18th/07/019

Updated on: 16th/07/2021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply