Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Waxa Soomaaliya Sanada 2005 kadilaacay xanuun dad badani jahwareer galiyay, uguna horeeyan dhakhaatiir iyo aqoonyahana kale.
Waxyaabaha lagu wareeray iyo su’alaha la’iswaydinayay aya kamid aha:
1.Waxa xanuunka kani uu yahay?
2.Waxa keena?
3.Xanuunkani macusub yahay?
Soomaalida waxay xanuunkani dhahda Kaduudiye,Kaduudiyow mise Kaduudshe hadka sidu kugu soogadhay. laakiin, waxyabaha dhakhaatiirta soomaalida isku qaliifeen aya kamida waxa xanuunkan keenay.
Koox dhakhaatiirta kamida aya sojeedisay inu xanuunkani yahay Rifti fali Fifar(Rift valley Fever) – waa xanuun laga qaado xayawaanada.
Halka qaarkale soojidiyan inu yahay Dangu fifar(Dengue Fever) – Sidokale waa xanuun ufida sida Duumada(Malaariya).
Laakiin, dhakhaatiirta badidooda waxay isku raaceen inuu xanuunkani aha Jikunkunya (Chikungunya)
Waa maxay Kaduudiye(Jikungunya)?
Kaduudiye waa xanuun keena Fayras lagu magacabo Jikungunya fayras(Chikungunya Virus), Waa sababta kadambeysa in magaca Jikungunya loogu yeedho.
Jikungunya waa erey sawaaxili ah, Micna ahaa loogu jeedo Qallooc sababtuna waxay tahay inu qofka kadhigo mid isu-uruursan.
Xanuunkani waxu kugudbi kara ayado kaneecada nuuca dhediga ah oo ku sumowday Fayraska ay raaciso marinada dhiiga qof kale Caafimaad qaba. Qaarada uu kubadan yahay waxa kamida:
1.Africa
2.Asia
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxa laga diiwangaliyay in bilowga 2004 xanuunkani kadilaacay Dalka Kenya waxuna kusii fiday aagaga/meelaha Badweynta Hindiya(Indian Ocean).
Laba sano gudahood aya laga diiwan galiyay Dadka gaadhaya 50,000(konton kun).
Koonfurta Soomaaliya wax macluumad ah lagama diiwaangalin laakiin, deegaanada Somaliland gaar ahaan, gobolka togdheer sanada 2019ka waxa laga diiwaan galiyay dad gaadhaaya 389 qof.
Taariikh Kooban
Sanada 1952ka, Waa marka ugu horeysa xanuunkani kadilaaco dunida gaar ahaan, Dalka Tansaniya(Tanzania).
laakiin, Sanada 1955 waxa si waadix ah uqeexay Dhakhatiir lagu kala magacabo Mariyon Rubinson(Marion Robinson) iyo Lumisden(Lumsden).
Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha Kaduudiyaha waxa lagu qaldi kara xanuunada Dangu iyo Rifti fali. Qaniinyada kaneecada maalmo kadib ayay Calaamadaha qofka kuso muqdan.
Calaamadaha Caanka ah lagu aqoonsado waxa kamida:
1.Qandho kul sare leh
2. Isgoys/Kalagoys xanuun saa’ida(Qofka waxu xanuun kareemaya isgoysyada lafaha)
Waxa kalo Bukaan lagu arki kara:
1.Madax xanuun
2.Murqo xanuun
3.Firiiric(Finan)
4.Kalagoys barar(Waxa barar laga dareemaya hareeraha kalagoysyada)
5.Lallabo iyo matag
Waxad ubaahan tahay inaad lakulanto dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow hadii Calaamadaha kaduudiyaha isugu shakido mise aad ugu shakido qof kamida qoyskaga.
Gaar ahaan, hadad hore ubooqatay meelaha kaduudiyaha uu kubadan yahay.
Side loogu hortagi kara?
Xanuunkani malahan talaal sida daraadeed, way adkaneysa in laga hortago laakiin, waxa jira talaabooyin kale aad qaadi karto sida inaad iska ilaaliso kaneecada adigo adeegsanaya:
1.Mara-kaneecada
2.Sunta Kaneecada
Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Nasiib wanaag, dadka badidooda sidhamaystiran ayay xanuunka ugu sokabanayan halka qaarkale aan badneyn naafo kunoqdan.
Bukaanada intoda badan qandhada ilaa asbuuc ayay ugu sokabtan laakiin xanuunka kalagoysyada biloyin mise sanado ayay qaadan karta in laga sokabto.
Hadii xanuunkani ladawenwayo waxa dhici kara:
1.Infakshan kudhaca indhaha
2.Wadna xanuun
3.Waxa waxyeeloba kelyaha iyo beerka
Hadii ay jiraan su’aal fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On:24/08/021
Sidee loo daawayn karaa cudurkan?
Fardawsa kuso dhawo Galolmedicine,
Hadii bukaan uu yahay mid xaalad degnaan ah kujiro uma bahna xaalad emmergency in lagaliyo Daawada waxa lagu saleeyo Cabashada bukaanka.
Laakiin guud ahaan buukanada waxa lagu maareya Supportive Treatment.