Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Dhabar xanuunku waxa uu calaamad/sumad unoqanayaa  xaalado kala duwan laxidhidha Caafimaadka. waxa afka qalaad lagu yidhahda baak ben (Back pain) mise lumbago. Qofka waxu xanuun kadareemi karaa dhabarka qaybtiisa Sare, dhexe iyo hoose (Qaybta ugu cabashada badan).

T. Maxa keena?

Dhabar xanuun kaliya xanuun manoqdo laakiin, Waxa uu kadhalan kara ayado lawaxyeeleyo mid kamida mise inkabadan sida:

1.Seedaha

2.Murqaha

3.Dareemayasha

4.Lafaha sameeya dhabarka

Sidoo kale waxa uu ka imankara xubnaha udhow dhabarka sida kelyaha.

Waxyeeladu waxay inta badani qofka kuso gadha marka uu siqaldan uqaado shay culays ah mise silamafilan ah loosameeyo dhaqdhaqaaq sirgaxan (Awkward movement) . Waxa kalo keeni kara fadhiga/Istaaga badan mise xanuuno kale laxidhidha lafaha.

J. Maxan ku aqoonsada?

Calaamadaha qofka inta badani uu kasheegto waa xanuun laakiin, hadii dhabar xanuunka aylasocdan hal mise labo kamida calaamadahan soosocda fadlan laxidhidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow, sida:

1. Qandho

2 .Culays/miisan lumid (Hadii culeyskaga hoos udhaco)

3. Lugo xanuun

4. Dhabar barar

5. Xagin/celin la’anta kaadida/Saxarada

X. Maxa lagu daweya?

Guud ahaan, dhabar xanuunka waxa lagu daween kara iyado la’isticmaalo dawooyinka xanunka dejiya ee la ogolyahay in laga so iibsado farmasiyaha sida Ibuprofen laakin, xanuunkan intabadani umabahna wax dawo ah(Iskisa ayu ubogsada) halka qaarkalana lagu daweyo qaab qaliin ah.

Akhriste, Waxa kalo jira qaabab kale  lagu daweyo dhabar xanuunka ayadon isbitaal la’aadin (Adigo jooga gurigaga) waxa kamida:

Dhabar Xanuun

1. Isticmaal baraf mise diirimaad

Adiga oo kuqabta baraf(Ice) mise shay diirimaad leh(Warm compresses) halka aadka dareemayso xanuunka waxay  yareysa caabuqa iyo xanuunka.

F.G Hadii aad isticmaalayso baraf fadlan sitoos ha ugu qaban maqarka, waxad kasare marisa tuwaal/shukuman mise soft/tish yar silo ilaaliyo waxyelada maqaarka.

2. Jimicsiga:

xeeldheerayal ayaa tilmamaya in uu jimicsigu qayb kanoqon karo  yareynta dhabar xanuunka islamarkana jidhkaga uu noqdo mid iskudheelitiran laakiin, inta aadan biloobin jimicsiga marka hore waxa wanaagsan in aad laxidhidho dhakhtarkaga.

3. Cunada:

Hadii aad heli karto waxad kudadaasha cunada aykujirto kalsiyam(Calcium) and faytamin D da(Vitamin D) waayo waxay sare uqaada Adkaysiga iyo tayada lafaha. Adiga oo qaata cunada caafimaadka leh waxay qayb kanoqoneysa kantarolida culeyska jidhkaga.

Kh. Yaa unuglan kara?

Waxa unuglan kara sida:

1. Dadka jimicsi la’anta ah

2. Dadka fadhiga badan

3. Hooyada uurka leh

4. Dadka gaboobay/Duqobay

5. Dadka sigaarka caba/isticmaala

6. Dadka jimicsiga siqaldan usameeya

7. Dadka qaba xaaladaha caafimaad sida Bararka kalagoyska/isgoyska jidhka iyo Kansarka.

Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 30th/12/019

Updated On: 05/08/021

Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply