Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Qaaxada waxay kamid tahay xanuunada qatarta leh laguna tiriyo 10 ka xanuuno ugu badan ay bukaanada  udhintaan. Waxa keena Bakteriya lagu magacaabo Maykobakteriyam Tubarkulosis (Mycobacterium Tuberculosis (MTB)).

Tiibishada waxay kudhici karta xubinkasta oo jidhka bini’adamka kamid. laakin, Sambabada waa halka ugu badan uu xanuunkani kudhaco). Afka qalaad waxa loogu yeedha tubarkulosis(Tuberculosis).

Ururka Cafimaadka Aduunka(WHO) waxay Tiibishadu kadiiwaan galisay in sanada 2017da 10 milyan qafood ay la’ildarnaayeen halka  1.6 milyan ay udhintaan(0.3 milyan kamid ah waxay ahaayeen bukaano ay udheertay cudurka Aidska) dunida oodhan.

Soomaaliya  sanada 2009ka waxa laga diiwaan galisay in 100,000(Boqol kun) qof kastaba laga dhexhelo  290 bukaano qaba Tiibisho.

Xanuunkan waxa uu ugudbi karaa sida uu ugudbo hargabka. kamid ah:

1. In dhibanaha ku qufaco,qoslo ama kuhindhiso hawada kadibna qofka caafimaadka qaba uuqaato hawadii wasaqaysned

2. In ay laba qafood toos usugudbiyaan sida salaanta iyo dhukashada I.W.M

3. In lataabto meel ay bakteriyadu horey usoo gaadhay sida meelaha laga qabsado albaabka mise daaqadaha

Yaa unugul xanuunkan?

Xanuunkan waxuu kudhici karaa da’kasta laakin, waxaa unugul dadka isticmaalo tubaakada nuucyada kala duwan iyo dadka laga helay Aidska.

Waxaa sidoo kale unugul dadka qaba:

1. Xunuunada sida Sonkorta(Macaanka) iyo dadka kelyaha kaxuunsan

2. Dadka nafaqa darida leh

3. Dadka kansarka qaba iyo cidwalba ay hoosayso difaaca jidhkooda

Calaamadaha lagu aqoonsado Qaaxada

Calaamadaha lagu arko dhibanaha qaba xanuunka waxaa kamid ah sida:

1. Qufac kabadan 3 wiik(waxaa dhici karta in uu qufacu dhiig lasocdo laakin laguma’arko xiliyada hore)

2. Daal aan xad lahayn

3. Qandho

4. Dhidid saa’id ah gaar ahaan habeenadii

5. Rabitaanka cunto oo hoos udhaca

6. Miisaanka qofka hoos udhaca

Mararka qaar waxaa dhici karta in bukaanka asaga oo xanuunka qaba aan lagu arkin wax calaamado ah

HADII AAD ISKU ARAGTO MISE ISUGU SHAKISO CALAAMADAHAN FADLAN LAXIDHIIDH DHAKHTARKAAGA AMA DHAKHTARKA KUGU DHOW MAHADSANID.

Xanuunkan waxaa looga hortagi in caruurta  latalaalo

Hadii ladawenwaayo maxaa dhici kara?

Waxaa dhici kara in uu infakshanka kufido:

  • Maskaxda
  • Beerka
  • Kelyaha
  • kalagoyska lafaha

Mararka qaar waxaa kaloo dhici kara in infakshanka ufido wadnaha laakin inta badan lama arko

Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan inogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 6th/08/019

Updated on: 9th/05/2021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply