Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Juudaan waxa keena Bacteriya lagu magacabo Maykobakteriyam libri (Mycobacterium Leprae) oo ay diiradeedu tahay in ay waxyeelo ugaysato dareemayaasha jidhka gaar ahan kuwa:
- Maqaarka
- Sanka
- Hawamarenada(qaybahoda sare).
Juudantu waxa afkaqalaad loogu yeedha Lebrosi (Leprosy) mise Xanuunka Hansen, Xanunkani waxuu kudhici karaa cidkasta sida Caruurta iyo Dadka waweyn.
Waxu kamid yahay infakshanada jiitama, hadii aan dhibanuhu ladaweyn waxay wiiqeysa muuqa iyo awooda qofka.
Sanada 1873dii Dhakhtar udhashay dalka Norway lagu magaaco Gerhard Henrik Armauer Hansen ayaa ogaadey in ay bakteeriya lagumagaaco M.leprae xanunki keento.
waa sababta kadambeysa in loogu yeedho magacan labaad ee ah Xanuunka Hansen.
Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) waxuu diiwaangaliyay in uu xanuunkani horey ugu dhacay Kudhowaad 180,000(Boqol iyo sidetan kun) qafood aduunka oo dhan.
Ururka Sidoo kale waxuu dalka Soomaaliya kadiiwaan galiyay in bisha Aguest sanada 2015ka uu wasiirka caafimaadka somaliya ee xiligaa joogay inu aas’aasay barnaamij (Program) lagaga baadi goobaya bukaanada uu xanuunkan kudhacay, ayada xooja lasaarayey malaaha lagu tuhmo iyo dadka kujira kaamka.
Sanada 2015ka waxa lahelay 107 kiis halka 2016 kana lahelay 635 kiis marka labarbardhiga sanada 2014ka oo kiisaska ay noqdayn 14 kaliya.
B. Side ayu kugudba?
Qaabka saxda ah uu xanuunkani kugudbo lama oga laakin waxaa la aaminsanyahay in la’isugu gudbin karo sida:
1.In uu dhibanaha qaba cudurkan hawada uu raaciyo qofkale sida hindhisashada ama qunfac oo kale
2.Ayadoo lataabto dhecaan mise candhuuf qof horey uqabay uu meel kutufay
T. Judaanta nuucyo maleedahay?
Juudaantu nuucyo waa ay leedahahay waxaana lookala qaybiyaa Ilaa saddex sistem(System):
Sistamka 1aad:
Sistamkani waxuu leeyahay 3 nuuc oo kala ah:
1.1) Tuberkuloyid librosi (Tuberculoid leprosy), nuucan faafitaankiisu wuu kayaryahay kuwa kale waayo difaaca jidhka ayaa sifaan ushaqeeya, waxuu leeyahay nabaro aan badnayn.
1.2) Libromatos librosi (Lepromatous leprosy), nuucan waxuu kudhacaa maqaarka, dareemayasha iyo xubno kale(Organs) waxuna kufaafikaraa sifudud waayo difaaca jidhka ayaa hoosaya, bukaanka waxuu yeelanaya nabaro kufido jidhka qaybihiisa kale.
1.3) Bodharlayin librosi (Boderline leprosy) waa nuuc udhigma labada nuuc aaan sare kusoo xusnay
Sistamka 2aad:
Ururka Caafimaadka Aduunka waxuu ukala qaybinayaa 2 nuuc, ayada oo lagu tixraacaayo tirada iyo nuuca halka uu kasaameyay agaga maqaarka(Skin areas).
2.1) Buusbeslari (Paucibacillary), bukaanka waxaa lagu arkaa inkayar ilaa 5 oo nabaro ah, maqaarka laguma arko marka labadhana wax bakteeriya ah.
2.2) Multibaslari (Multibacillary), dhibanuhu waxa lagu arka in kabadan ilaa 5 nabaro ah, waxaa lagu arkaya bacteriya kadib marka labadho maqaarka.
Sistamka 3aad:
Sistamkan waxa lagu magacaabaa Ridli-joblin (Ridley-Jopling Classification) waxaa loo isticmaala daaweenta xanuunkan.
J. Maxay tahay calaamadaha qofka lagu arko?
Xilihuuriska xanuunkan waa 3 sano, Calaamadaha lagu arko waxay yihiin sida:
1. Tabar dari
2. Cagaha iyo gacmaha oo kabuubyoda
3. Nabro lagu arko maqaarka(nabraha waxay yareeyan inuu qofka dareemo sida Kulaylka, taabashada iyo xanuunka)
F.G:Fadlan laxidhiidh dhatarkaaga mise dhaqtarka kugu dhow sidaad ugu hesho talooyin iyo dawooyinka kuhaboon xanuunkan.
X. Side logu hortaga?
Qaabka ugu fiican ee lagu hortaga xanuunkan waxuu yahay in dhaqsa loodaweeyo iyo adiga oon xidhiidh toos ah lasamayn qof qabo xanuunkan.
Kh. Dhibanuhu hadan ladoweyn maxa dhici kara?
Hadii ladawenwaayo waxaa dhici kara sida:
1. Araga ayaa luma
2. wajiga ayaa badelma
3. Madhaleys(Dhalmo la’an)
4. Kelyaha ayaa shaqadoda gaba
5. Dareemayasha ayaa luma
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 30th/09/019
Updated on: 16th/07/2021