Cinwan Hosedyada
Aragti Guud
Dhagaxa Xameetida inta aanan uguda galin marka hore Xubinkan Cajiib badan aan fahanno!
Xameetida waa xubin rabiweyne Beerka ka hoos mariyay oo waxay kutaala Caloosha qaybta sare dhanka midig. Waa xubin yar sida Jeebka lagu keydiyo dhaceen la yidhahdo Baayil(Bile).
Bileku waa dareere midabkisu yahay Cagaar– Huruud ama jaalle xigeen. waxa uu kaqayb qadanaya Dheefshiidka.
Aqoon dhameystiran lagama haysto waxa dhagaxa keni kara Laakiin, Sida laga sooxiganaayo Jaamacada Harvard qaybtedi Caafimaadka:
80% Xameetida in uu dhagax kusameysmo waxay timaada marka uu korodho Kalistarolka(Cholesterol) bileka kudhexjira.
Halka 20% aykeenan madooyinka kala ah Kalshiyam(Calcium) iyo Bilirubin.
Maxa lagu aqoonsada?
Dadka Xameeto dhagaxa leh intabadani iskuma arkaan wax Calaamado ah laakiin, hadi ay xaalaadoosi sii xumaato Calaamadaha lagu arko waxa kamida:
1. Xanuun laga dareemo Caloosha qaybteeda sare, Garabka midig iyo dhabarka
2. Lalabo iyo Matag
3. Kaadi madoobaad(Midabka kaadida aya doorsoma)
4. Calool-xanuun iyo Shuban
Dawaynta(Treatment)
Waxa lagu dawenkara qaab qaaliin ah, Xameetada in dibadda loosoo saaro.
Maxa dhici kara hadan la dawayn?
Hadii aan bukaan laga daweyn waxay keentaa:
In uu Caabuq kudhaco Xameetida afka qalaad lagu yidhahdo Kolisistaysis(Cholecystitis).
Xalaadani waxay dhacda marka dhagaxa uso dhaqaaqo dhanka Tuunboyin bileka sida kadib waxay nitiijadu noqoneysa in uu xidhmo marinka bile. Waxa halkasi kubilow Caabuqa Xameetida.
Yaa unuglan kara?
Waxa uu kudhici kara:
- Dadka Buuran
- Dadka Da’doda kasareysa 60 sano
- Dadka qof kamida qoyskoda hore ulaha
Side loogu hortaga?
Qaabka ugu fiican loogu hortagi kara waa
B. Adigo joogteya Jimicsiga
T. Inaad kudadaasho Cunnada Caafimaad ah
Hadii ay jiraan Su’aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Hawaaban inaad noogu soo gudbiso Qaybta Su’aalaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 01th/09/022