Cinwan Hosedyada

Guudmar/Fakir Guud

Xanuunka Caadada waa Casiraad mise Majiir xanuun leh laga dareemo Caloosha qaybta hoos. Dad badan ayaa Casiraada kacabanaya kahor mise xiliga Caadada.

Haweenka/Naagaha qaar xanuunka saameyn badan kuma laha halka qaarkale uu sameyn kuyelanaya sida  in uu xakad galiyo Caada maalkedkoda inta udhaxeysa 1 ila 3 maalmo.

Menisturuweshan Beyin(Menstruation pain) waa ereyga afka qalaad lagu dhaho xanuunka caadada. Xaalado Caafimaad ayaa keeni kara Casiraada sida Xaaladaha lagu kala magacaabo:

  • Indomitriyosis (Endometriosis)
  • Yutarin fayibrosis(Uterin fibrosis)

Dawenta waxay kuxidhantahay marka hore in la’ogaado waxa sidhaba ukeenay Majiirka/Casiraada.

Xanuunka aanu keenin xaalado kale Caafimaadka laxidhidha waxay ubadan tahay inuu yaraado gaar ahaan marka ay da’da korodha iyo dhalmada kadib.

Maxa lagu aqoonsada?

Jaantuska Nadaafada dumarka xiliga Caadada

Calaamadaha xaaladani lagu aqoonsado waxa kamida:

1.Caloolmajiir gaar ahaan waxa casiraada laga dareemaya Caloosha qaybta hoos, Mararka qaar waxa xanuun laga dareemaya dhabarka qaybta hoos

2.Xanuun waxu bilowda 1 ila 3 maalmo kahor Caadada

3.Lalabo

4.Madax xanuun iyo dawakhad

5.Waxa isbadela Caloolsocodka

Goorman dhakhtar aadi kara?

Waxa ubahan tahay inaad lakulanto dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow:

1.Hadii Xanuunka Caadada bil walba saameyn kuyelanayo Caado maalmeedkaga

2.Hadii ay Calaamadahu siixumanayan

3.Hadii aad isku aragto Casiraada Caadada kadib da’da 25ka

Maxa keeni kara?

Jaantuska Su'aasha

Ilma-galeenka waxu caada uleeyahay inu isuso-uruurid sameeyo xiliga Caadada. Hormonada qaar sida Borostagalandiniska (Prostaglandins) aya kiciya xanuunka iyo isuso uruurida ilma-galeenka sida daraadeed, Hadii uu xadiga Hormonkani korodho waxu sare qaadaya xanuunka.

Xanuunada keeni kara waxa kamida:

1.Biriministuruwal Sindarom(Premonstrual Syndrome)

Xaaladani waxa keena isbadelada ay sameynayan Hormanada jidhka, Isbadeladani waxay dhacan 1 ila 3 asbuuc kahor xiliga Caadada.

Waa sababta loogu magacaabay Calaamadaha Caadada kahor – Biriministuruwal Sindarom (Premonstrual Syndrome)

2.Indomitriyosis (Endometriosis)

Waa xaalad Caafimaad xanuun badan, waxay unugyada ilma-galeenka koriin kusameynaya meelkabaxsan Ilma-galeenka sida ugxansidayasha lagu magacaabo Falobiyan tuyubis(Fallopian tubes)

Sidee lodaweya?

Akhriste, Waxa kalo jira qaabab kale aad kudawen karto xanuunka Caadada adigo jooga gurigaga waxa kamida:

1.In lagu qubeysasho biyo kul leh

2.In Caloosha Duugis(Massaging)  losameyo

3.In lajoogteeyo Jimicsiga

4.In laqaato cunada fudud

5.In laqaato dawoyinka la’iskaga yareyo Xanuunka

Yaa unuglan kara?

Xaaladani waxa unuglan kara:

1.Dadka qoyskoda qof kamida xaaladani laha

2.Habeenka kuqaangadhay da’da 11 sano

3.Haweenka Caada wareerka leh

Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Jaantuska Uteruska ama Fallopian tube ka Haweenka/Dumarka

Casiraada caadada intabadani makeento xaalad daran caafimaadka laxidhidha laakin, Waxa uu xakad galinaya Shaqada,Iskuulka iyo Caado maalmeelka qofka.

Hadii ayjiran su’al laxidhidha maqaalka fadlan noogu sogudbi qaybta Su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 5th/04/2021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply