Cinwan Hosedyada
Dilanka waxa keena iyo waxyaaba sababa dilanka joogtada ah waxay kamid tahay su’aalaha soo noqnoqda.
Sida owgeed, waxa muhiim ah inaad wax ka ogaatid sababaha iyo waxbaaha kale laxidhiidha, Gaar ahaan Hooyooyinka iyo Bulshada qaybaheeda kala gadisan.
Hadad danaynayso Macluumaad badan laxidhiidha Dilanka ama Dhiciska HALKAN KUDHUFO!
Waxyaabaha sababa Dilanka Uurka waxa kamida:
1. Ugxan-sidaha oo yar
Ugxaan-Sidaha Hooyada waxay qayb wayn ka qaataan Caafimaadka iyo badqabka Uurka.
Hadii ugxansiduhu yaryahay iyo Hormoonada sida Borojistaron(Progesterone) waxan laheli Karin Nafaqo kufilan Uurjiifka(Fetus).
Uurjiif aan haysan nafaqo joogta ah, Waxa adkanaysa inay uurka Hooyada kusi nagaadan.
2. Ilma-galeenka(Rixam)
Ilma-galeenka hadu 30% wax ka qaldan yihiin sida dabacsanan Afka Riximka, Waxa adkanaysa inu Dhallaanka xajiyo(Ilmaha inu xamilo).
3. Caabuq(Inflammation) mise Infakshan(Infection)
Waxay Hooyo walba Uur leh unugushahay inu kudhaco Infakshano dhawr ah sida Toksobalasmosis(Toxoplasmosis) iyo Buruseel(Brucellosis).
Xanuunadani waxay fudaydin karan inay Hooyadu ku keenan Dilan joogta ah hadan laga dawayn.
4. Unugyada Dhiiga(Blood Cells)
Waxa dhici kara inay unugyada dhiiga hooyada iyo Dhallaanka isdiidan mise aan is qaadan Karin, Tani waxay kamid tahay Caqabad Hooyoyinka qaar ay wajahan kuna keena dilanka soo noqnoqda.
Hooyo walba waxa la gudboon markay Uur qaadan inay baadhan nuuca dhiigooda(Checking Blood Type).
5. Drugs(Dawoyinka)
Bulshada Soomaalida waxa agtooda Caadi ka ah qofka in uu iska iibsada dawo Dhakhtar la’aan(Without doctor consultation or prescribing), Gaar ahaan dawoyinka uubahan in lagu isticmaalo Talo iyo Qoraal dhakhtar.
Sida daraaded, Hooyoyinka Uurka leh in ay siqaldan u qaataan dawoyin aan dhakhtar u qorin, Taana ayku kaynto Dilan.
Talo:
Hadaad tahay Hooyo Uur iskaga shakisan iska ilaali wixi naftaada halis galin kara iyo Nafta aad ka mas’uul tahay(Dhallaanka Uurkad kusida).
Silamida, Waxa gudboon inaad baadho Nuuca Dhiigaaga siloogu hortago dilanka keena dhiigyada isdiida.
Hadii Ay Jiran Su’aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Questions).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 29th/05/023
Last Updated on 2 years by Mas’ud Sayed