Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Dhiciska, Dhicin, Dilan ama Ilmo iska soo ridid waa ereyo loo adeegsado marku ilmaha kaso hormaro wakhtiga Rabiweyne ugu talagay.
Sida Caadiga ah, Hooyadu waxay ilmaha Uurka ku sidaa 9 bilood(36 Asbuuc) hadu xilgaa kaso hormaro waa dhicis. Afka qalaad waxa lagu kala yidhahda:
- Aborshan(Abortion)
- Miskarej(Miscarriage)
Labadan Erey waa kuwa isku dhow Hadaan Afkeena Hooyo kuso dhoweyno waa Ilma iska sooridid(Abortion) iyo dhicin(Miscarriage).
Aborshan iskiisa ayu udhici kara mise waxu dhici kara ayado hooyada dawo lasiyo ama qaliin lagu sameyo.
Halka Miskarejku yahay mid iskiisa udhaca ayadon la adeegsan dawo ama qaliin.
Qaybo Maleeyahay?
Dhicinka waxu leeyahay qaybo kala duwan:
1. Sariitaned Miskaarej(Threatened Miscarriage)
Marka ay hooyadu isku aragto Calaamadaha Uurka kuwa kabaxsan sida dhiig lagu arko xubinka Taranka, Xanuun laga dareemo Caloosha qayb hoos.
Waxay sumad unoqon karta dhiciska nuucan laakiin, Nasiib wanaag hadii ay Calaamadahani xili hore joogsadan waa fursad kale ay hooyadu kusi wadan karto Uurka.
Hooyada waxa saa’idi kara inay qaadato Nasasho ku filan
2. Inafitabal(Inevitable Miscarriage)
Kani waxu ka dambeyn kara nuuca aan sare kuso xusnay laakiin, Waxa joogta ah Calaamadaha sida Dhiiga iyo Calool xanuunka.
Serfikiska(Albaabka hore ilmaha kasobaxan) wuu furan yahay sida daraaded, Waxa badaneysa in Uur-jiifka xili hore usobaxo.
3.Kumbilid(Complete Miscarriage)
Ilmo-galeenka waxu yeelanaya isuso ururid joogta ah sidu Uur-jiifka dibadda uso saaro. Maalmo ayu socon kara dhiiga iyo Calaamadaha foosha u eg.
Hooyada ama dadka ka mas’uul ah waxa lagudboon in si degdeg ah lala xidhiidho Goob Caafimaad.
4. Inkombilid(Incomplete Miscarriage)
Nuucani waxu kan sare aan kuso xusnay kaga gadisan yahay nudayasha(Tissues) ilmaha dilanka qayb kamida aya gudaha kuhara.
Sida owgeed, Dhakhatirta iyo kalkaaliya yasha waxay marwalba kudadalan in dilanka sidhameystiran dibadda looso saaro.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) Waxa laga diiwan galiyay in kodhabad 73 Milyan qof ay sanad walba ilmaha iska sooridan.
Maxay Diinta Islaamka ka qabta?
Dalal badan aya jira laga ogolyahay in Ilmaha layska soorido ayago shuruuc kala duwan usameystay halka qaarkale aydiidaan.
Soomaalida waxu ilaaheey ku galadeystay Diin ay waxwalba ku cadyihiin aan mad madow iyo Humaag toona laheyn.
Alxamdulillah waa Diinta Islaamka, Culumada waxay badi isku raacsan yihiin:
B. Caafimaadka Hooyada inay kuxidhan tahay
T. Kahor inta ilmaha ruux lagu abuurin(Intan lagaarin 120 maalmo)
J. In aan ilmaha laso ridi Karin kadib 120 maalin, Xita hadii ay kooban tahay fursada ilmaha uukusi noolan laha dhalmada kadib.
Hadii ay jiraan Su’aalo Laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbiso Qaybta Su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 30th/01/022