Cinwan Hosedyada

Guudmar/Fakir Guud

Niyad jabka umusha – Waxyabaha ay kutaamaan aadanaha ilaaheey abuuray badidooda waxa kamida inay ubad/caruur helan.

Laakiin, dadka intooda badani kuma baraarugsana in ubadku kicin/carbin karo dareemo iskudhaf ah sida Farxad, Raynrayn,Baqdin iyo Cabsi.

Hooyada ugubka ah(Hooyada kucusub dhalmada) waxay maraan/isku-arkan xaalaad afka qalaad lagu yidhahdo Baybi buluus(Baby blues). Micna ahaan loogu jeedo ubadka murugaysan waayo xiliga umusha waxay hooyadu wajahaysa sida:

  • Niyad jab iyo go’aano isbedbedalayo
  • Oohin aan sabab lahayn
  • Daal iyo hurdo la’aan
Jaantuska Hooyo Uur leh

Ilaa 80% Hooyooyinka ugubka ah – ubadka Murugaysan waxu kubilowda Maalinta 2aad mise 3aad dhalmada kadib.

Mararka qaar ayaa waxa dhici kara inay hooyada  katalowdo Xaalada ubadka murugaysan(Baby blues) oo ay xaaladani isu badesho xaalad kale lagu magacaabo Bosti batam dipreshan(Postpartum depression).

Bosti patam dibreshan waxa loogu jeeda Niyadjabka umusha, 15%(Boqolkiba 15) hooyada ugubka ah iyo hooyada ugubka ahaynba waa lagu arki kara.

Xanuunkani ma’aha xanuun muujinayo inay hooyadu qofnimadeeda iyo kartideeda daciif tahay, kaliya in laqaato dawoyin ayaa hooyada kufilnaankara I.A.

Niyad jabka dhalmada,  Kaliya kuma koobna Hooyooyinka waxu sidokale kudhici kara Aabaha gaar ahaan, Aabaha kucusub daryeelida ubadka.

Maxa keena?

Aqoon lagama heysto waxa sidhaba ukeeni kara Niyabka umusha laakiin, waxa aqoon looleeyahay inuu xidhiidh kadhaxeeya isbadelada jidhka iyo arima laxidhidha dareenka qofka:

Isbedeladda jidhka

Dhalmada kadib jidhka hooyadu waxu sameeya isbadelo hormone sida Istarojin iyo Barogistaron sida daraadeed, waxay qayb kanoqonayan Niyad jabka hooyada

Arimaha Dareenka

Bilowga maqaalka waxan kuso tilmaanney inay hooyadu dhibku tahay hurda sida owgeed hurda la’aanta tirada badan leh waxay hooyadu kukeenta dulqaad la’aan, Baqdinta sidey ilmaha udaryeeli lahayd i.w.l.

Maxa lagu aqoonsada?

Calaamadaha Hooyada ay yeelanaysa waxa kamida:

Jaantuska Calaamada Su'alaha

B. Ubadka Murugaysan(Baby blues)

1.Go’aano isbedbedayo

2.Baqdin

3.Murugo

4.Kacsanaan

5.Xad-kabax

6.Oohin

7.Diirad la’aan(Hooyada waxa dhiba sida dhigaysiga, Daawashada)

8.Hurdo la’aan

9.Cuno qaadasho la’aan

T. Niyad jabka umusha(Postpartum depression)

Xanuunkani waxa dhici kara in lagu qaldo kan ubadka murugeysan waayo wey isudhowyihiin.

Laakiin, Niyad jabka umusha marka labarbardhigo kan Ubadka murugeysan Calaamadaha weyka yara culusyihin kana wakhti badan.

Calaamadaha waxa kamida:

1.Niyad jab sa’ida

2.Oohin fara badan

3.Xidhiidh la’aan(Hooyada waxa dhibku noqda laxidhidhida qoyska iyo asxaabta)

4.Daryeel la’aan(Hooyada waxa dhibaya daryelidda ubadka)

5.Hurda la’aan mise Hurda saa’ida

Gorman dhakhtar aadi kara?

Jaantuska Hooyo Fakreysa

Waxa wanaagsan inay hooyadu laxidhidho dhakhtarkeda mise dhakhtarka ugu dhow:

1.Hadii Calaamadaha siixumadan

2.Hadii Calaamadaha qaatan inkabadan 2 asbuuc

3.Hadii Dhibkugu noqoto daryeelida ilmaha iyo waxyabaha asaasiga ah ee guriga loogu baahan yahay

Dadka leh niyad jabka(Depression) badidooda isma oga inay wajahayan Calaamadaha Niyad jabka.

Sida daraaded, hadii aad qof saaxib mise walaal tihiin aad ugu shakido xaaladan fadlan kucaabi inaad kadhiidhiso talaabada in la’aado dhakhtar.

Yaa unuglan kara?

Xanuunkani waxa unuglan kara:

1.Dad qoyskooda qof kamida xanuunkan qaba mise horey loogu arkay

2.Dadka leh xanuunada dhimirka

3.Dadka horey xanuunkani ugu bogsatay

4.Dad dhibaato ay kaga heysato sida Xidhidhka lamaanaha mise dhaqaalaha

5.Hooyada aan jeclayn inay nuujiso ilmaha sida kuwa aad ugu fakira qaabka naaska

Side loogu hortagi kara?

Niyad jabka umusha waxa looga hortagi kara:

1.Talo saarashada

Umada Soomaaliyeed waxa uu illaaheey S.W.T Kumanadeystay Diinta islaamka. Waxay diinta Islaamka nafareysa marwalba oo talaabo hore nolosha ugu qaadno ineynu ilaaleey Talo saarano kadib aan dadaalkeena kudarno.

Qofka marku muslim yahay waa uu kawarwar yaryahay marka labarbardhiga umadaha kale aan diinta islaamka heysan waayo ilaaheey ayeynu talo saarana.

2. Kawarhaynta

Waxa wanaagsan inay hooyada kuxidhnaato dhakhtar xaaladeeda guud kawarqaba gaar ahaan, xiliyada ay uurka leedahay, Waayo waxa sahlanaankaro in sifudud xaaladeed lo’ogaado haday ahaan lahayd xaaladaha Taban mise togan.

Hadii ay jiran su’al fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question)

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed

On: 08/08/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply